Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Yaa ugu jira Beesha Liibaan-Geshe Harti baarlamaanka Jubaland? Cidna!!

Afhayeenka beesha Liibaan-Geshe Harti oo dhaliil usoo jeediyeye odayaasha dhaqanka ee hogaanka Hartiga.  Afhayeenka ayaa sheegay beesha Liiban-Geshe oo ah   beeraleey iyo xoolo dhaqato nabadda iyo wada noolasha jecel ee deegaanka Waamo iyo Juba  ayaa waxay dhaliilayaan sida beelaha Harti wax u qaybsadeen oo ay  xubintoodii barlamaanka  loo duudsiyey .

Waxaan u sheegaynaa Hogaan dhaqameedka  Harti inay Beesha Reer Liibaan-Geshe cadaala daro ay ka tabanayso sida loo qaybiyey xildhibaanada beelaha Hartiga. Maxaa yeelay  beesha Liibaan-geshe waa beesha keliya  ee Harti ee deegaanka ku abtirsada  oo xaqooda la duudsiiyey .


Waxaan hogaanka sare ee maamulka Jubaland usoo gudbinaynaaa in Beesha Liibaangeshe Harti oo  ah beelaha deegaanka, Qayb wanaagsan ka qaadatay nabadda, horumarka  iyo dhismaha maamulka  Jubaland  in aanan  cidna ugu jirin Barlamaanka Jubaland  oo ay tabanayaan cadaalad daro.

Afhayeenka Beesha  Dr. CABDULQAADIR Diriye Yusuf

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply