Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Khaalid Cabdullaahi Cali iyo Aamina Faysal Cabdillaahi oo meherkoodu ka dhacay magaalada Boston

ARAKALAAHU LAKA WA BAARAKA CALAYKA WA JAMACA BAYNAKUMAA FII KHAYR

Waxaa shalay oo ay bishu ahayd 14-Shawaal-1438 kuna beegan July 8,  2017, meherkooda ka dhacay magaalada Boston ee carriga Mareykanka: Khaalid Cabdullaahi Cali iyo Aamina Faysal Cabdillaahi.

Haddaba waxaannu Ilaahay uga baryayaan inay noqdaan reerkii lagu nasto ee lagu nagaado, ubad khayr qabana kala hela oo diintooda, dadkooda, iyo dalkooda  anfaca. Waxaanan ugu ducaynaynaa ducadii Rasuulka SCW ee ahayd BAARAKALAAHU  LAKA WABAARAKA CALAYKA WAJAMACA BAYNAKUMAA FILKHAYR.

Dhamaan Reer Abdillahi Cali iyo Reer Abdillahi Warfaa ayaa mahad balaadhan u jeedinaya dhamaan Jaalliyada Soomaaliyeed ee Reer Boston iyo marti sharaftii ka kala timid gobolada mareykanka iyo dalka Kanada ee ka soo qayb galay xafladda meherka Khaalid Abdullahi Ali iyo Aamina Faisal Abdillahi Warfa

WAXAANNU QOYSKAN CUSUB ILAAHAY UGA RAJAYNANYNAA INAY NOQDAAN KUWII ISKU REEYA ISKUNA RAAGA UBAD KHAYR QABANA KALA HELA…………AAMIIN……AAMIIN ……AAMIIN

Sidoo kale Aqoonyahan/Gabyaa Idiris Maxamed Xaaji Cali oo masafo ku maamuusay meherka walaashiis Aamina ayaa ku bilaabay sidan:


Ku bilaabay Eebbow, magacaaga arartee

Mahad aan ebyoomayn, aday kuu ahaatee

Naxariis Udgoonaha, al-Amiin Allow sii

Urur-weynahaanow, salaan aad ah iga hoo!


Waxa lagu Islaam yahay, ashahaado qiriddee

Salaaddoo la oogiyo, sakadoon la iibinin

Afka xirasho sooniyo, uun loo samaadee

Qof Ilaah wax siiyoo, awoodoo Xajaayee!


Wax Iimaanku uu yahay, Ilaaheen rumayntiis

Iyo malag arwaaxliyo, kutub oogadaa jira

Iyo gebi ambiyadiyo, ayaantii Qiyaameed

Iyo amar Ilaahay, inaynaanan oollinin!


In Ilaah la caabudo, sidii aad arkaysoo

La og yahay haddii kale, in Ilaah na eegtoo

Aan nahay addoommada, uu ikraamay walibana

Oo Ixsaanku saas yahay, waad wada aqootaan!


Saddexdaasi udubbood, diintay asaasaan

Ergeygii(SCW) Ilaahay, siduu noo ishaarana

Inan iyo haddii inan, arooskoodu uu dhaco

Hadda diinta idilkeed, qayb bay asiibeen!


Meherkaan ilwaadkiyo, ku idiiman sharaftee

Asxaabtiyo qaraabada, xidideeyey ehelkee

Aayada Quraaniyo, lagu binay axaadiis

Dadku waa ammaanoo, waw wada istaagee!


Qaafada Isjecel ee, xafladdani agaasimay

Ilays weeye qorraxeed, ifinaaya dunidee

Akhyaartii ducaysiyo, “aamiin” intii tidhi

Way istaahilaanee, giddigood Allow kaal


Allow qoyskan barakee, burjigooda u adkee

Iblays iyo dhashiisana, ka ilaali Eebbow

Aqalkooda nuur iyo, ku abee Islaamnimo

Hoy lagu hirtoo abid, gacal urursha kana yeel!


Allihii Adduunkiyo, Aakhiro sameeyaa

Isu doonay Aamina, iyo Khaalid Aar oo

Waa labo ayaan badan, waana ehelukhayroo

Waalidkooda agabbaray, baa dhaqan ku ababshee!


Ixtiraam kalgacaleed, iyo samir itaalsada

Ubax nii adeegiyo, ubad khayr leh isu dhala

Isu aaya weligiin, intaad aradka joogtaan

Aakhirana Firdows iyo, Nebigii(SCW) agtiis de

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

One Response to Khaalid Cabdullaahi Cali iyo Aamina Faysal Cabdillaahi oo meherkoodu ka dhacay magaalada Boston

  1. Pingback: Masafo: | Heeshi

Leave a Reply