Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Hambalyo Aroos: Cabdirisaaq Maxamed X. Cali iyo Umalkhayr Cali Cawl Xuseen

Waxaa shalay fiidkii—oo ahayd Sabti, bisha Rabiical Awal [Mawliid] 18, 1438 ee taariikhda Hijriyada, kuna beegan  December 17, 2016 ee tariikhda Milaadiga—arooskoodu si habsami leh uga qabsoomay magaalada Manassas, Virginia, ee dalka Maraykanka: Abdirasaaq Maxamed X. Cali iyo Umalkhayr Cali Cawl Xuseen.

Dhammaan Reer Xaaji Cali iyo Reer Cawl Xuseen ayaa mahad balaadhan u jeedinaya Jaalliyada Soomaaliyeed ee Virginia iyo marti sharaftii ka kala timid daafaha adduunyada (sida Kanada, Kenya, Ingiriiska iyo meelo kale ba) ee ka soo qayb gashay xafladda arooska Abdirasaaq Maxamed X. Cali iyo Umalkhayr Cali Cawl Xuseen.

Arooskan isu wada dumay gacal iyo asxaab kala baaday ayaa waxaa ducooyin iyo farriimo dardaarran ah ku furay indheergaradka iyo guurtida Virginia. Waxaana gabay uu sidii Sayidka ugu luuqeeyay madasha kala istaagay Idiris Maxamed Xaaji Cali. Gabaygan ayaa ahaa:

Galladeeye Eebbaa le mahad gebi-ahaanteede
Ha ahaato guudkiisa nabad Rusul Guddoonshaaga
Salaan gobannimaan idin faraye gacanta ii haadsha

Hasha gabay Halyeygii* lahaa oo i garab taagan
Gaawaha waxaw culanhayaa gaasabixintiise
Iga gura ammaan iyo ducaan soo gudbinayaaye

Waxa geedka loo waabayaa talo gorfaynteede
Waxa guriga loo dhisahayaa ubax gurboodeede
Waxa garona loo dhaqahayaa calaf gasiimeede

Wax abaalka laysugu galaa maalin baad gudiye
Wax gardaadis gala ruuxi aan godobna reebayne
Is gaashaamabuursiguna waa gacan awoodeede

Khayrkood ku gaarraato ood gelinna dayn wayso
Dhacdhacaaga ood goobto ood meel isugu gayso
Janno aad gashaa baa Rabbina amarki gooyaaye

~~~~

Dadku waa gurguurtaan waqood gaban ahaantiiye
Kol hadday gashaanti iyo yiin doob wax garanaaya
Gaboowga iyo geerida hortood way is guursaniye

Caawaba arooskaan gingiman dhaqan gal weeyaane
Waa gacal is doonoo is helay gallad Ilaahay e
Waa gadac Cabdirisaaq ah iyo gaari Umalkhayr e

Waa xerada geeloo rag adag gaadhka ka hayaane
Waa gogol nabdeedoo dugsoon ood ku gama’daaye
Waa garow la iidaamay oo gaajo bi’iyaahe

Waa waqal gu’yoo hoorayoo ciidda goday jeere
Waa gago ciyaar loo jantiyo gudasho jaandheere
Waa dogob galooloo la shiday dhamac guduudnaaye

Alle mahaddi guurkaani waa kii garaaddada e
Qof kastoo ka soo qayb galoo gacan ka soo gaystay
Ama tahniyad soo gudbiyay Guulle ha ikraamo

~~~~

Xareed galac leh geedo isku baxay geeddi laga oolay
Geyi nabad ah gaaf iyo xurmiyo gole la naashnaashay
Wax ammaanan guulaystayaal goonni isu raacay

Kalgacayl gun dheeriyo siduu awow ka soo gaadhay
“Soddohdoo is gaadhsiisan iyo inan golyeed [door ah
Geesiyada] ay wada dhasheen buu ku galayaaye”

Umalkhayr asluub iyo gobnimo Guulle ugu deeqye
Waa dhalad Xuseen iyo Garwiye soo ged barayeene
Allaylehe Cabdow guri san baad galabta joogtaaye

Adiguna garaad badane abid geesiyaad tahaye
Ma gefsaniye goortaad khadkiyo looxa tiri gaata
Ee aad aqoon nagu geddiday garannay diinkiiye

Marti goomman goortay timaad galax ku sooryaynta
Iyo goolka loo loogayiyo xubin u geedaynta
Geedjoogistaadiyo murtidu waa sed aan gudhine

~~~~

Gedgeddiga adduunyaduba waa sida giraameede
Gadiid maalin iyo layl intaa gayllanku is dhaafye
Waxa loo garmaamaynayaa gaabis yaad noqone

Is guulguulku wuu jiray tan iyo Gurey horraantiiye
Samir aan gaboobaynin baa gaws-qabsiimo lehe
Idinkaan cidnaba soo gar gashan gooya arrinkiinna

Guurtida hortayda ah dadkuu gabaygu gaadhaayo
Guullow adaan keli ahaan kuu garwaaqsadaye
Eebbow adaan gaar ahaan kuu galliinsadaye

Mawliidkan soo galay Allow dadab galkaan toosi
Gayaankani is guursaday Allow garabgaloo tiiri
Oo ka yeel aqal lagu gam’oo gacal ku soo hoydo

Eebbow gabdhiyo wiilal sii ubad gargaaraaya
Garansiinna Eebbow xaqaa lagu gudbaayaaye
Guri waa haween ee Rabbiyow guusha ugu hiili

Hoosta ka daawo sawirradii arooskan qiimaha leh. WAXAANNU QOYSKAN CUSUB ILAAHAY UGA BARYAYNAA INAY NOQDAAN KUWII ISKU REEYA ISKUNA RAAGA; UBAD KHAYR QABANA KALA HELA……AAMIIN……AAMIIN ……AAMIIN.

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

One Response to Hambalyo Aroos: Cabdirisaaq Maxamed X. Cali iyo Umalkhayr Cali Cawl Xuseen

  1. Pingback: Gabay: Gacaltooyo | Heeshi

Leave a Reply