Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Habeenkii Dhaqanka!

Boston (CEEGAAG) — Sabti, April 16, 2016 ayaa waxaa hool aad loo sharraxay lagu qabtay xaflad loogu magac daray, “Habeenkii Dhaqanka.” Waxaa xafladda, oo Maryan Buulle ay si habsami leh u daaddihinaysay, soo qabanqaabiyay Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadda Massachusetts Boston. Xogo qiimo leh oo madasha laga soo jeediyay ka sokow, ardaydu waxa ay soo bandhigeen ruwaayad gaaban, ciyaar dhaanto ah iyo tusmo ay ku muujiyeen dharka hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed!

Xafladda oo ay soo cammireen dadweyne badan ayaa waxaa lagu casuumay indheergarad khudbado ka soo jeediyay, oo inta u badani ay maansooyin qiiro leh kaga qayb qaateen. Waxaa ka hadlay Prof. Saciid Aaden, oo Jaamacadda Harvard ka dhiga af-Soomaaliga. Waxa uu baruhu ka hadlay muhiimadda ay leedahay barashada af-Soomaaliga, oo ah dhaqan-side da’ weyn oo in lagu hirto mudan. Sidoo kale waxaa dhalinyartii madasha tubnayd si culus u guubaabiyay qoraa Maxamed Jaamac, oo ku dhiirrigeliyay in ay horumarka iska kaashadaan, waxna wada qabsadaan dad kasta oo horumarkooda jecel.

Mudanayaashii kale ee madasha ka hadlay waxaa ka mid ahaa Cabdiraxmaan Yuusuf, agaasimaha Somali Development Center (SDC), oo ka sheekeeyay dadaalladii ay SDC u gashay dibu-dejinta Soomaali badan oo Boston soo degtay, iyo waxqabadyada ay wali hay’addaasi ku fooggan tahay. Camaan Maxamed oo ah madaxa Somali Association for Literacy & Social Improvement (SALSI), ayaa ardayda u soo jeediyay khudbad hogatusaale ah. Dhanka kale waxaa isla hawlaha dhalinyarada iyo bulshada ka hadlay Siciid Axmed, oo ah aasaasaha iyo agaasimaha United Somali Youth.

Dhanka suugaanta, waxaa maanso qiiro badan marisay Nasteexo Cali, oo xustay in ay maansadaas curisay ka dib markii wararka adduunka ay qarqisay abaartii ba’nayd ee ku habsatay Soomaaliya, sannadkii 2011. Sidoo kale, Idiris M. Cali, oo ah qoraa iyo waxbaare deggan Boston, ayaa madasha ka akhriyay nashiido uu af-Ingiriiska ka soo tujumay. Idiris waa aasaasaha naadi-dhaqameedka BADSO, kaas oo ku fooggan barista iyo dhiirrigelinta dhaqanka iyo afka Soomalaiyeed. Dhanka kale, waxaa madasha maanso qaayo leh ka soo jeedisay gabar Yugaandhays ah, oo aynaan magaceedii haynin immika.

Lama soo koobi karo dhallintii madasha ka hadashay, ee sida qiimaha leh ula wadaagtay farriimaha murtida iyo madaddaallada xambaarsan. Waxaa ugu layaab badnaa ruwaayadda ay ardayda jaamacaddu dhigeen, ruwaayaddaas oo isku xirtay nolosha qurbaha iyo ta’ dalka ka jirta. Sidoo kale waxaa layaab lahaa dhaantada iyo tusmada dharka hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee ay ardayda jaamacaddu soo bandhigeen, iyaga oo iskood isu baray sida loo ciyaaro dhaantada!

Ugu dambayntii, habeenkii dhaqanka habeen buu ahaa aan in muddo ah Boston laga maqal/arag. Bogaadin iyo mahad ballaadhan ayay mudan yihiin ardaydii isku soo dubbo ridday xafladda habeenkaas, oo ay ugu horrayso Ifraax Xaashi oo ah madaxweynaha UMB SSA, ururkii xafladda soo qabanqaabiya, iyo dhammaan ciidankeedii. Guul baan u rajaynaynaa, iyo in ay xafladahan oo kale noo qabtaan, ardaydaasi. Waxaanan ardayda kale ee jaamacadaha kale ee magaaladan ku boorrinaynaa in ay sidaan oo kale u koolkooliyaan dhaqankeenna iyo hiddaheenna!

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

3 Responses to Habeenkii Dhaqanka!

  1. Pingback: Kulanno xiiso leh oo Boston ka qabsoomay |

  2. Pingback: Damal har weyn dooyaysi – Warsidaha B A D S O

  3. Pingback: Damal har weyn dooyaysi – BADSO

Leave a Reply