Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Hogaanka SSC Khaatumo Bashiir X. Cali, Gabdha qurbajoogta Khaatumo ee Yurub iyo masuuliyiin reer SSC ah oo booqday Caasimadii Daraawiisheed ee Taleex.

‘Waxaan maanta booqasho maalin ah ku tagnay aniga iyo masuuliyiin ka tirsan hoggaanka SSC- Khatumo, gabdha qurbajoogta Khaatumo ee Yurub iyo masuuliyiin reer SSC ah degmada qadiimiga ah ee Taleex. Waxaan la kulanay bulshada qaybaheeda kala duwan oo si maamuus iyo milgo leh noogu soo dhaweeyay degmada. Waxaa masuuliyiinta degmadu nagu soo wareejiyeen daarihii silsiladda ee daraawiishta, qalacaddii falaad ee madaxtooyada daraawiishta, daar ilaalo, qabuurihii shuhada ee halkaas lagu aasay qaar ka mid ah iyo Barde khaatumo. Waxaan waxgaradka iyo odayaasha uga xogwarranay dagaalka lagula jiro aragagixisada malayshiyaadka Somaliland iyo guulaha xaq u dirirka SSC ka soo hoyiyeen dagaalkaas.waxaa dhinaca kale odayaasha degmadu hoosta ka xarriiqeen in ay naf iyo maalba u hurayaan dagaalkaas xaqa ah isla markaana ay lama huraan tahay in la adkeeyo midnimada iyo wadajirka dadwaynaha reer SSC. Waxaa kale oo masuuliyiinta reer Taleex u mahadceliyeen ciidamada Harti ee hiil walaal iyo dadwaynaha Soomaaliyeed ee ka gilgishay gardarada malayshiyaadka muuse biixi.ugu danbayn, Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan dadwaynaha reer Taleex oo si ehelnimo ah noogu soo dhaweeyay degmada.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply