Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Axmed Karaash Oo Si Weyn Lagu Soo Dhaweeyey Garoowe ilaa Guumays

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi CIsmaan ayaa maanta safar ugu baxay gobolka Sool, kadib markii ciidamada Somaliland looga adkaadey dagaalkii qaatey mudada 8 bilood ah ee ka socdey gobolka Sool. Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa si weyn logu soo dhaweeyey dhamaan Magaalooyinka u dhexeeya Garoowe iyo Guumays.

Axmed Garaash ayaa gaadhay Yagoori oo ah magaaladii uu ku dhashay oo uusan fursad u helion inuu booqdo ilaa iyo burburkii dawladii dhexe ee Soomaaliya.

Daawo

Jidka dheer ee laamiga Laascaanood ayaa gawaarida laga xirey, shacabka ayaa isugu soo baxay wadada dheer si ay u soo dhaweeyaan Mudane Axmed Cilmi CIsmaan (Karaash).

Wefdiga Axmed Karaash waxaa meel fog uga hortegey maamulka SSC-Khaatumo, Isimada iyo waxgaradka kale waxaana loo soo dhaweeyey sidii halyeey, maadaama uu si xoogleh uga qaybqaatey halgankii dalka looga saarey ciidamadii Muuse Biixi ee maamulka Somaliland.

Axmed Karaash ayaa lagu wadaa in uu gaaro ilaa magaalada Gumeys oo qiyaastii 80km Laascaanood uga beegan dhanka Galbeed waana halka ciidamada maamulka SSC-Khaatumo ay ku hakadeen, kadib markii ay si xun u jebiyeen ciidamada Somaliland.

Axmed Cilmi Cismaan ayaa horey uga mid ahaa asaasayaashii maamulka Khaatumo sanadkii 2012 waxaana uu ka nqodey Madaxweyne kaas oo lagu dhisey magaalada taariikhiga ah ee Taleex.

Halganka Somaliland looga saarey dalka ayuu Axmed Karaash u ahaa lafdhabar, bilowgiisi ilaa dhamaad.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply