Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Axmed Cawad Casharo oo lagu waraystay ma-dasha 60ka soona ban dhigay xogo muhim ah

Ceegaag Aug 10, 2015 Madasha 60ka ayaa lagu waraystay Axmed Cawad Casharo oo ah Ruug Cadaa Siyaasadeed kuna caanbaxay wadaniyada Somaalinimada ah, Casharo ayaa ka hadlay xogo muhim ah sida markii xisbi siyaasadeedka USP uu kula kulmay xoghayii hore ee qaramada midoobay Butros Qaali magaalada New York iyaga oo ka mid ahaa Siyaasiyiintii saxeexay dib u yagleelida dawladii Soomaaliya ee markaa UN tu waday sidoo kalena matalayay deegaanada Sool iyo Sanaag(Khaatumo iyo Maakhir)(ku Dhufo Sawika si uu kuugu waynaada)

Dhagayso waraysiga oo waxyaabo badan daaha ka rogay……Warasigii Axmed Cawad Casharo ee madasha 60ka

 

Sidoo kale waxa uu Axmed Cawad Casharo daaha ka rogay sababaha Dhulbahantaha iyo Warsangaligu wax awooda ugu lahayn maamulka Puntland isaga oo eedaa dusha uga tuuray isla iyaga ah Harti Waqooyi ah. Waxa uu ka hadlay Heshiiskii Dhulbahantaha iyo Warsangaliga ay doonayeen inay Maamul kuwada dhistaan iyada oo aan Soomaalida wax maamul ah hadalhayn oo lagu mashquulsanaa colaadii dagaalkii sokeeye waana tan cadayntii (Ku dhufo Sawirada si ay kuugu waynaato)

 

 
Sidoo kale waxa uu Axmed Cawad Casharo waraysigaa ku bixiyay Xogta ah in Gobolka Sanaag degmooyinkooda Laasqoray iyo Dhahar ay Dawlad hoosaadka ‘munashiibiyo’ u dhistay UNtu markii ay wadanka gacanta ku haysay ee horaantii dagaalkii sokeeye iyada oo ay cadayntiina tahay in Laasqoray iyo Dhahar labada kamid ahaayeen 92 Degmo ee dawladii dhexe ka tagtay, balse ay Somaliland siwayn uga hortimid iyada oo ay Puntland markii la dhisayna aysan wax Awooda ku lahay dhulka ay dadkii daganaa wax kadhisteen Harti Waqooyina la raaciyay Somaliland, Puntland madaxdoodiina ay shacabka u hoosaasiyeen qorshaha UNta ee ku aadan waqooyiga dalka iyaga oo sihoose heshiis ula galay Somaliland, si loo curyaamiyo deegaanada haatan loogu wanqalay Maamulada Khaatumo iyo Maakhir.

Xuseen Fiin

Boston, USA

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

One Response to Axmed Cawad Casharo oo lagu waraystay ma-dasha 60ka soona ban dhigay xogo muhim ah

  1. Pingback: Tacsi: Xildhibaan Marxuum Ahmed Cawad Casharo oo magaalada Toronto ee wadanka Kanada ku geeriyooday |

Leave a Reply