Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xuska maalinta Afka Hooyo oo lagu qabtay Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud dhigiisa Jabuuti Mudane Ismaacill Cumar Geelle, Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, xubno ka tirsan labada gole ee dowladaha Jabuuti iyo Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey maalinta Afka hooyo, kaasi oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

21 Febaraayo waa maalin caalami ah oo Jamciyada Qaruumaha ka dhaxeysa ay u aqoonsatay Maalinta Afafka Hooyo 17kii November Sanadii 1999kii, waxaana Maanta Dunida oo dhan looga dabaal dagayaa xuska Maalintaan Caalamiga ah.

Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ka kala yimid wadamada Caalamka ayaa ka qayb galay Xuska Maalinta Afka hooyo, waxaana sidoo kale ka qayb galay wufuud ka kala socotay Wadamada Kenya iyo Ethiopia oo ka mid ah Wadamada Geeska Afrika ee Afka Soomaaliga looga hadlo.

Wasiirka Warfaafianta Hidaha iyo dalxiiska ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka ku hadlay Afka qaban qaabiyeyaasha munaasabadda ayaa waxa uu soo dhaweeyay kaqayb galayaasha, isagoo u mahad celiyay dhamaan intii ka qeyb gashay munaasabadda.

Xaamud Cali Xasan Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in furitaanka Akadeemiye goboleedka daryeelka Afka hooyo ay muhiimad gaar ah ugu fadhiso Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dalka.

Wasiirka Hidaha iyo dhaqanka Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Aadan Xasan Aadan oo ka hadlay Munaasabada ayaa waxaa uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya uga Mahad celiyay sida uu uga aqbalay in Akadamaiyad Goboleedka Cilmiga iyo fanka laga furo Muqdisho.

Guddoomiyaha baarlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawari ayaa ku dheeraaday ka hadalka Maalintaan iyo Muhiimada ay u leedahay Dadka ku hadla Af Soomaaliga, waxaana uu bogaadiyay Xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti in la sii xoojiyo, lagana wada shaqeeyo horumarinta afka Hooyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay Munaasabadda ayaa mar kale ku celiyay isagoo ka hadlayay Muhiimada ay leedahay Afka hooyo in Xafiisyada Dowladda aan laga soo saari karin warqad Af qalaad ku qoran cidii ku dhaqaaqdana lala xisaabtami doono.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo isna xafladda hadal kooban ka jeediyay ayaa mahadcelin u jeediyay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo uu xusay inaysan iloobi doonin xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeysa labada shacab, waxaana uu Madaxweynaha Soomaaliya uu ku amaanay soo nooleynta Afka hooyo.

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply