Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xuska Birima Luuliyo oo si aada looga dabaal degay Magaalada Boston, USA

Waxaa hada Soo gabo gaboobay xaflad aad u saraysa oo lagu xusayay looguna duceenayay Halgamayaashii Xornimada Soomaaliya usoo dagaalamay magaalada Boston ee carigan dalkan Maraykanka. Xafladaa oo ay kasoo qayb galeen Xildhibaano, Saraakiil Ciidan, Aqoonyahano iyo Bulshada rayidka ah ayaa waxaa ay u dhacday sidatan.

 

Xaflada waxaa Daadihinayay Suldaan Mahdi Cali. oo aad ugu celcelinayay muhiimada Birima Luuliyo isagoo aad carabka ugu adkeeyay inaysan jirin 57 sano ka dib meel loonoqdaa oo dalka labadii midoobay loo kala gaynkaraa.

‘Ilaa Soomaliland  Ilaa Jubaland waa in aynu cadowgeena meel uga soo wada jeesanaa’ Suldaan Mahdi

 

 

 

 

 

Waxaa isna xaflada Furay sida caadada u ah xafladaha reer Boston Boqor Cabdilaahi Gurxan oo dadka u dardaarmay inay midoobaan adkaystaana waxa ay haystaan ee Soomaalinamada ah, Dawladoodana is garab istaagaan si dalka looga saaro quwadaha Shisheeye ee ku hirdamaya.Waxaana Hadladiisa ka mid ahaa Daawo

 

 

Kadib waxaa Madasha loogu yeedhay Sareeyo Gaas Genaral Daahir Aadan Indho Qarshe oo ah taliyihii hore ee Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya kasoo shantii sandood ee ugu danbeeyay ku maqnaa dalkii Hooye ee Soomaaliya. Generaalka ayaa ka hadlay dhibkii ka haystay dagaalka kooxaha argagixisada ahi ku qaldeen ubadkeena, reer Boston oo aan ka dhexmuuqan dhalintii la majaro habaabiyay, iyo waliba inaynu u abaal gudno wadankan Maraykanka oo ina siiyay Nolol iyo isku tashi buuxa. Waxaana Hadladiisa ka mid ahaa Daawo

 

Waxaa isna Goobta ka hadlay Xildhibaan  Cabduqaadir Maxamed Aadan ‘Sandheere’ isaga oo ka war bixiyay xaalada dalka iyo meesha uu daaran yahay khilaafka rakaadiyay dawladnimadii Soomaaliyeed. Naladaawo Qudbadiisii.

 

 

 

 

 

Intaa dabadeed waxaa madasha lagu soo xidhay oo xaga khadka isgaadhsiinta kaga soo qayb galay xaflada Safiirka Soomaaliya u Fadhiya wadankan Maraykanka Axmed Ciise Cawad naladaawo

Waxaa madasha lagu soo dhaweeyay Deeqo Jibriil aa ah Musharax u taagan Jagada Gudoomiye nimo ee xaafadaha hoos taga D7 tasoo ah xaafado  ka tirsan magaalada  Boston Soomaaliduna u badan tahay,  Xaafadahan oo ay ka codeeyaan ku dhawaad 90 kun oo qof ayaa codka Soomaalidu yahay ku dhawaad 2kun oo cod.

Deeqo waa gabadha ugu cadcad ee la filayo inay ku guulaysato inay noqoto gabdhii ugu horaysay ee Muslimad ah Soomaalina ah ee abid u tartanta jago noocan oo kala ah taariikhada Gobolkan Massachusetts. dadka Soomaaliyeed ee isugu yimid Goobta loogu dabaal degayay birima Luuliyo ayaa isku boorinayay in boodhka layska jafo oo lasoo saaro qof Soomaali ah ‘Deeqo’. hadaladeedii waxaa ka mid ahaa Daawo

 

 

 

 

 

Waxaa isna goobta ka hadlay Shariif Maxamed Khayre oo sheegay inuu isagu kusii fool leeyahay dalkii Hooyo oo uu in mudo ah kasoo maqnaa. waxaana hadladiisa kamid ahaa 

 

 

Oday Nageeye ayaa u mahad celiyay dadka soo abaabulay xaflada. waxaana hadladiisa ka mid ahaa Daawo

 

Waxaa kalo isna ka hadlay madasha Oday  Maxamuud Cabdi Yuusuf Gaafaa waxaana hadladiisa kamid ahaa in ay yaraantii ay qaadi jireen ‘Ilaahow Kalikali Madooneenee Shanta meel isugu keen’ Daawo

 

Waxaa isna goobta ka hadlay Aways Shanbaro oo dadka ku guubaabiyay in lagu dadaalo in Deeqo soo baxdo oo la doorto, lagana qayb qaato dadaalka musharaxnimadeeda Af iyo Adinba. Daawo

 

 

Waxaa isna Goobta ka hadlay Jaamac Maxamed Cigaal Guulwade. Daawo

 

 

Waxaa iyana goobta ka hadashay oo qudbad dhiigu ku istaagayo madasha kasoo jeedisay Shamhaad Xalwo waatan ee nala daawada.

 

 

Waxaa iyana Buraanbur aad u qiiro badan Madasha xaflada ka tirisay Safiyo Qooje waakan Buraanburkii.

 

 

Aqoonyahan Xuseen Siciid Cabdi ayaa isaguna ka hadlay madasha wxaana hadaladiisii kamid ahaa. Daawo

 

Waxaa isna Goobta ka hadlay Gudoomiyihii Mushaxnimada Madaxwayne Sheekh Shariif Sheekh axmed Maxamed Idiris waxaana hadaladiisa ka mid ahaa.

 

 

 

 

 

 

Waxaa isna goobta ka hadlay Cabdiraxmaan Hiiraamoow waxaana hadaladiisa ka mid ahaa.

Ugudanbayntii waxaa Xaflada Soo afmeeray Deeq Nuur oo kamida dhalinta firfircoon ee magaalada Boston. Daawo

 

 

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply