Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

XUBNIHII GUDDIGA AF SOOMAALIGA. Hawlkarro hawshoodii ka soo baxay

XUS IYO XASUUS: XUBNAHA GUDDIGII AF SOOMAALIGA EE 1971-DII
——————————————————————————————-
Xuska maalinta AFKA HOOYO aawadeed, waxaan idinla wadaagayaa sawir dhaxal-gal ah oo ay ka soo muuqanayaan badi xubnihii ugu horreeyay ee ka mid noqda Guddigii Qorista Af Soomaaliga, kuwaas oo bishii Jannaayo 1971 lagu magacaabay wareegto ka soo baxday Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta ee dowladdii Kacaanka Maxamed Siyaad Barre, guddiga oo ka koobnaa 23 xibnood ayaa waxaa sawirkaan ka muuqda 17 ka mida guddiga oo kala ah:

– Shariif Saalax Maxamed – Guddoomiye [1]
– Dahabo Faarax Xasan [2]
– Cabdullaahi Xaaji Abubakar [3]
– Xirsi Magan Ciise [5]
– Cabdullaahi Xaaji Maxamed (Insaaniya) [6]
– Iikar Bana Xaddaad [7]
– Axmed Cartan Xaange [9]
– Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare) [10]
– Cumar Aw Nuux [11]
– Maxamed Nuur Caalim [12]
– Cabdullaahi Ardeeye [13]
– Sheekh Jaamac Cumar Ciise [14]
– Cabdi Daahir Afey [15]
– Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal [16]
– Dr. Yuusuf Xirsi Axmed [17]
– Axmed Cali Abokar [18]
– Mustafa Sheekh Xasan Cilmi [19]

Xubnanha kale ee ka tirsanaa xubnihii ugu horreeyay ee ka mid noqda Guddigii Qorista Af Soomaaliga ee aan ka muuqan sawirkan waxaa ay kala yihiin:

– Maxamed Xaaji Xuseen (sheeko xariir)
– Yaasiin Cismaan Keenadiid
– Maxamad Shire Maxamad (Gaab)
– Sheekh Ibraahim Xaashi Maxamed
– Maxamed Xasan Aadan (Gahayr)
– Cabdurraxmaan Nuur Xirsi

Sidoo kale sawirka hoose waxaa ka muuqda Abwaan Xasan Sheekh Muumin [4] iyo Sheekh Caaqib Cabdullaahi [8].

F.G: Sawirka waxaan ka soo qaatay buugga Halgankii loo galay qoridda Af-Soomaaliga (1949 – 1972) ee uu qoray Eebbe ha u naxariistee Shariif Saalax Maxamed Cali.

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply