Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xoghayaha Qaramada Midoobay iyo Gudoomiyaha Bankiga aduunka oo booqday xerada Xaxootiga ee Dhadhaab

Xoghayaha Qaramada Midoobay iyo  Gudoomiyaha Bankiga aduunka ayaa booqday xerada Dhadhaab shalay galinkii dambe. Waxaana si diiran loogu soo dhaweeyay xerada qaxootiga IfoGudoomiyaha bankiga aduunka Jim Yong Kim, ayaa sheegay labadiisa waalid inay ahaayeen qaxooti xilligii uu socday dagaalkii labada kuuriya sanadkii 1948,” Ma jirto meel ku dhaanta wadankaaga mana aad samayn kartid wax dhaq dhaqaaq ah,” ayuu hadalkiisa ku daray Jim Yong Kim.

Ban ki Moon ayaa xasuustay booqashadiisii ugu dambeysay uu ku tago Dhaadhaab oo ahayd sanadkii 2011,Wuxuuna sheegay inuu ka murugooday nolasha qaxootiga oo uu ku tilmaamay mid laga argagaxo. Labada mas’uul oo ay booqashadooda ku wehliyeen wafdiyo kala duwan ayaa dhageystay cabashada qaxootiga iyo wakiilo ka socday dowlada Kenya.

“Tani waa musiibo – masiibo kuwa dad-sameega ah, haddii ay hogaamiyayaasha  dhageystaan rabitaanka dadkooda anagu halkaan ma aanan joogeen,” ayuu yiri Ban Ki-moon. Wuxuu intaas ku daray inkastoo qaxootigu wajahayo xaalado adag, hadana inuu ku dhiiri galinayo inay eegaan sida ay bulshada qaxootiga isku abaabushay oo ay u sameysatay qaab dhismeedka dimuqraadi ah iyo ilaalinta amniga ku salaysan bulshada.

Wafdiga ayaa loo qaaday inay booqdaan xerada Ifo 2 si ay u helaan macluumaad ku saabsan xaaladaha nololeed ee qaxootiga, sida guryaha, fursado nolol-raadsi, goobaha waxbarashada iyo bixinta biyo. Waxay sidoo kale booqdeen qeybta hooyada iyo xarunta nafaqada ee Bisha Cas Kenya.

ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply