Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xog culus–Dowlada Xasan Sheikh iyo Boobka ay ku wadaan Hantida Qaranka Soomaaliyeed, akhriso Qandaraasyo la meelmarsadey

Warar badan oo isasoo taraya ayaa cadeynaya in Boob xoogan ay Wadaan Madaxda ugu sareysa Dowlada federaalka Soomaaliya, iyagoo si dad badan u dhacaya Hantida Qaranka Madaxweyne Xasan Shiiq Maxamuud, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada faarax cabdulqaadir, oo saddexduba ah ragga ugu awoodda badan dowladda Dembi-Jadiida, ayaa qandaraasyada soo socda u qaybsadeen sida hoos ku qoran.

1) Xaruuntii UKO ee ubaxii kacaanka oo saaran waddada wadnaha, kuna taal degmada Wardhiigley, agagaarka saldhigga boliiska wardhiigley ayaa laga dhisayaa isbitaal weyn oo lagu daaweeyo indhaha, waxaana qandaraaska qaadatay shirkad uu leeyahay Wasiiru Dolwlaha madaxtooyada Faarax Cabdulqaadir iyadoo ay maalgelinayso dowladda Qatar.

2) Xaruuntii fiisha Baraa ee wasaaradda gaadiidka dhulka, (degmada Shingaanni) waa la burburiyey, waxaana laga dhisayaa isbitaal guud, waxaana qandaraaska qaadatay shirkad uu leeyahay Wasiirka A. Gudaha iyo A. Qaranka Cabdikariim Guuleed, waxaana maalgelinaysa dowladda Imaaraadka Carabta.

3) Haamihii keydka shidaalka ee Xamar jabjab oo ah hanti qaran waxa si sharci darro ah ula wareegtay oo dayactiranaysa shirkad uu leeyahay cabdikariim Guuleed (Wasiirka A. G. iyo A. Q.)

4) Adeegyada Garoonka Dayuuradaha Muqdisho, sida aad ka warqabtaan, waxa laga wareejiyey Shirkaddii SKA, waxaana lagu wareejiyey Shirkad Turki ah, hase yeeshee waxa lagu lamaaniyey shirkad uu leeyahay Madaxweyne xasan Shiiq, uuna madax ka yahay nin lagu magacaabo Ismaaciil Wardheere oo ay Madaxweynaha ilmo adeer yihiin.

5) Dekadda Muqdisho ayaa iyadana lagu wareejinayaa shirkad Turki ah oo saami wadaag la ah shirkad uu leeyahay Madaxweyne xasan shiiq oo iyadu maamuli doonta hawlaha dekadda. Arrintan dekadda waxa ay weli ku jirtaa wada xaajood balse mar dhow ayaa la billaabi doonaa.

Waa markii ugu horeysey ee Madaxda Dowlada Soomaaliya ay meelmarsadaan Qandaraasyo ay ugu danaynayaan shirkado ay iyagu leeyihiin ama dad ay isku ‘Qoys ah leeyihiin, tasoo ah Khiyaamo Qaran, Wararku waxay intaas ku darayaan in Kooxda Madaxweyne xasan Sheikh ee Awooda Dalka gacanta ku heysa ay marmarka Qaarkood illaawaan iney ka xishoodaan dhac Cad oo ay ku boobayaan hantida Qaranka, Waxay Marmar u dagaalamaan sidii NGO iney yihiin marka loo eego sida ay u raadiyaan Qandaraasyada iney siiyaan Shirkadohooda ama shaqsiyaad ay isku dhowyihiin.

Xigasho: Puntlandi.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag