Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xaflad soo dhaweyn ah oo loo sameeyay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada ee dowladda federaalka Soomaaliya Mohamed Abdullahi Salat (Oomaar).

Xaflad balaadhan oo lagu soo dhaweynayey Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Abdullahi Salat (Oomaar) oo socdaal ku yimid Wadankan Canada ayaa ka dhacdey xarunta Northgate Lions ee magaalada Edmonton ee caasimada Gobolka Alberta Canada.

Xaflada Soo weynta wasiirka ayaa waxaa soo abaabulay Jaalliyada Soomaalida ee ku dhaqan magaalada Edmonton oo ah dad si weyn u taageera nabada iyo dowladnimada, ka hana qaaday dalkeenii hooyo ee Soomaaliya. Xaflada ayaa waxaa Akhriska Ayaadaha Quraanka Kariimka ah ku furay Sheekh Abdulqaadir.

Xafladan ayaa waxaa hadalo qiimo badan ka jeediyey, Siyaasiyiin, aqoonyahano, haween, iyo waxgarad kala duwan, waxaana ka mid ahaa xubnihii halkaasi ka hadlay, Xildhibaan Abdullahi Xasan Rooble, Sahra Xaashi, Mukaram Gelle, Col. C/qaadir sheikh Xuseen, Aadan Cilmi (Deeq), Abukar Hirabe, Oday Kooshin, iyo  Xasan Faarax Shire oo isagu ku hadlayay magaca jaalliyada soomaliyeed ee magaalada Calgary iyo xubno kale  oo muhiim ahaa waxa ayna dhamaantood si diiran u soo dhaweeyeen Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee dowladda federaalka Soomaliya, Mudane Mohamed Abdullahi Salat (Oomaar) iyaga oo hadalo isugu jiray soo dhaweyn iyo mahadnaq ka jeediyay madasha.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada ee dowladda federaalka Soomaaliya mudane Mohamed Abdullahi Salat (Oomaar) oo halkaasi khudbad dheer ka jeediyey ayaa ugu horeyn u mahadceliyay shacabkii soomaaliyeed ee kasoo qaybgalay xaflada ka kala yimidna magalooyinka gobolka Alberta, Sidoo kale Wasiir Oomaar ayaa faahfaahin ka bixiyey howlaha dowladda federaalka Soomaaliya qabatay, gaar ahaan dhinacyada nabadgalyada iyo horumarka, Wasiir Oomaar ayaa sidoo kale soo hadal qaaday isbadalada iyo guulaha ay sameysay wasaarada gaadiidka iyo duulista hawada isagoo taabtay inay si buuxda dowladda Soomaaliya ay lasoo wareegtay  maamulista hawada Soomaliya, kadib dhowr iyo Labaatan sano oo hawada Somalia ay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka maamulaysey hayada ICAO ee Qaramada Midoobay hawada u qaabilsan ee fadhigedu yahay magaalada Montreal ee dalkan Canada.

Xafladdaas ayaa ku soo dhamaatay jawi aad u sarreeya waxaana xidhiidhinayay Aqoonyahan Abdirisak Ciro.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply