Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xaflad loogu dabaaldagayay Doorashada madaxda Cusub ee Khaatumo oo kadhacday magaalada Boston

Xafladan oo ay soo agaasimeen Jaaliyada Khaatumo ee reer Boston laguna casuumay dhamaan Jaaliyada Soomaalida ayaa u dhacday sidatan.

 

 

 

 

Waxaa xaflada daadihinayay Jamaal Yuusuf oo in badan ka shaqeeyay ilaalinta midnimada Soomaaliya,

 

Waxaa kalmadii waanada iyo wacdiga ka soo jeediyay Sheekh Cabdilaahi Canshuur oo ku dheeraaday in dadku ka shaqeeyaan wanaaga iyo maslahaxada guud ilaashadaana midnimadooda wax walbanakaraacaan waxa wanaagsan.

 

 

Kalmadii Mahadcelinta iyo sharaxaada sababta loo sameeyay Xaflada iyo macnaha Khaatumo waxaa soo jeediyay Yaxye Xasan Wiido

 

 

Ibraahim Xaaji Xaashi ayaa ka hadlay sabata khaatumo loo yagleelay, isaga oo sheegay in ay ka turjumaso rabitaanka shacabka SSC ee ah in ay aayahooda katashadaan mustaqbalkoodana aysan cidna u daba fadhiisan, Dhinaca kale waxa uu sheegay in ay Khaatumo ku qotonto qaraarka Qaramadamidoobay ee tissigiisu yahay 751 (1992) Soona baxay  24 April 1992. Kaa soo  qeexayay ilaalinta midnimada iyo wada jirka umada Soomaaliyeed.

Guray Xaaji Xaashi ayaa carabka ku balaadhiyay ‘Waar SNM iyo SSDF lama oron jirin way qaybsan yihiina maxaa maanta loo lee yahay Khaatumo iyaga ayaa qaybsan, SNM iyo SSDF way la shaqeenayeen dawladii dhexe dadkoodana Hubka iyo Warbixinada waysiin jireen, ma dhibsanano Fiqi Tolkii kama jano tago kuwa anaga ah ee u shaqo tagay Garoowe iyo Hargaysa waa kuwo noomaqan ee hala ogaado’.

Guray Xaaji Xaashi ayaa sheegay in ay tahay xaqiraad in la’yidhaahdo Khaatumo waa Dhulbahante, isaga oo yidhi Baarlamaanka waxaa nagu weheliya 4 Beelood oo kale sida 1. Fiqishini Cayr Habar Gidir. 2. Abayoonir oo Gari-Koonbe ah. 3. Kaskii Qabe oo ina Harti Ah. 4. Gabooyeoo ina Soomaaliyeed ah ee maxaa loo xaqirayaa!.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay weeraradii lagu soo qaaday Khaatumo isaga oo sheegay dadkaasi in aysan aqoon u lahay kani-adeega reer Khaatumo, aysanasuuro galahayn in ay reer Khaatumo kahor istaagaan Hamiga iyo himilooyinkooda Bina’aadam nimo.

?Yuusuf Cismaan Samtar(Bardocad) Ayaa ka mid ahaa  Marti sharaftii kahadashay Madasha isaga oo sheegay inuu doonaya waxa ay reer Khaatumo doonayaan tageersana yahay Midnimada iyo wada jirka umada Soomaaliyeed.

 

?. Aamino Siciid  oo ka mid ah Jaaliyada wadanka Sweden ahna Godoomiyaha Xisbiga TAYO ee Jaaliyadaa booqasha ku joogtay Boston ayaan iyana ka hadashay Madasha iyada oo sheegtay cidkasta oo wadata aaminsana Calanka Cirka oo aan caad saarnayn u eeg, ee xidigta cadi dhexda kaga  taal, ay ayidsan tahay. Siiciido ayaa ah  Gabadh ku soo barbaartay Hoygii Cabdulaahi Ciise Maxamuud ee Soomaalinimada, Hadana ah  Medical scientist wax ka dhiga Jaamacada Karolinska Institute Sweden. waxay ka mid ahayd xildhibaanadii kumeelgaadhka kuwoodii Asmara.

?. Cabdiraxmaaman Maxamed Maxamuud (Hiiraamoow) Siyaasi kamida Waxgaradka reer Boston, ayaa isna goobta ka hadlay isaga oo ku dheeraaday tageerada wayn ee uu u hayo Midnimada Somaaliya iyo reer Khaatumo oo u halgamaya marlabaad Maanta. Isaga oo ku booriyay Soomaalida in halganka laga wada qaybqaato.

 

 

?. Jaamac Maxamed Cigaal(Guulawade) oo xilal kaladuwan ka soo qabtay dawladii dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in reer Boston ahaan ogaadaan in aan Soomaaliya la’gobol gobolaynkarin hadii sidaa layeelana aan cadowgeena layska celin karin. Federalnimaduna ay tahay wada lagu eegayo bal in is aaminidii shacabka dib loogu soo celin karo.

 

?. Maxamed Bacalaawi (Nageeye) ka mid ahaa Saraakiishii ciidanka xooga dalka, Hadana kamidah ah Aqoonyahanada iyo Odoyada magaalada Boston ayaa isagu u doceeyay Soomaali oo dhan muujiyayna taageerada uu sida gaarkaah ugu hayo reer Khaatumo.

 

 

?. Maxamed Jaama(Shaale) ayaa isnaka hadlay muhiimada ay Khaatumo ugu fadhido Soomaaliya waagii horena ugu fadhiday.

 

 

 

?. Safiye Qooje ayaa iyadu goobta isku fuuqsatay wixii hadal ahaa ee la jeediyay kadib markii ay goobta kaga dhawaaqday Buraabur ay u tirisay Madaxwayne Cali Khaliif Galaydh.

Kaatumo waaa nimad duriyaadoo hadan dun wacan

Daris wanaag iyo nabadbay daneenayaan

Soomaali iskuduubnideeda ayay daneenayaan

Calankaay u dagaalameenbay difaacayaan

Majiro ruux diidi kara dawlad inay yihiin

Halyayga la’doortay waan u duceenayaa

Dadkii Kaatumana Hanbalyo ayaan u  dirayaa

@@@@@@@@@@@@@@

Cali Khaliif geesi weeye culus oo codkar ah

Caraabi geediga reerkana Meel cagaarleh gee

Caleemosaarkaaga Caliyoow cirkaa onkaday

Kabogo SOMSAT.tv buraanburka intiisa kale

 

Waxaa goobta ka soo gabogabeeyay qudbooyinkii Cali Naasir oo u duceeyay madaxda maamulka cusub ee Khaatumo in ilaahay u fududeeyo waajibaad qaran ee loo igmaday.

 

 

 

 

 

Xuseen Fiin

Boston, USA

Ceegaag.com

 

 

 

 

 

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply