Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xaflad loogu dabaal degay sanad jirsashada Khaatumo sidoo kalena lagu taageeray Soonoqoshada qarannimada Soomaaliya oo ka dhacday Magaalada Boston

Waxaa magaalada Boston ee xarunta gobalka Massachusetts ka dhacday Xaflad u agaasineed heer qaran taasoo loogu dabaal dagayay sanad guuradii 1aad ee ka soo wareegtay maalintii Bardaha Taleex dhidibada loogu taagay Khaatumo State of Somalia.

Xafladan ayaa waxaa soo agasimay gudida maamulka Khaatumo ee magaalada Boston, siiba Jamaal Yuusuf Guray oo ah gudoomiyaha qabanqaabada xaflade, iyaga ku marti qaaday dhamaan qaybaha bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magalada Boston.

Xaflada oo ay u dhamaayeen bulasha qaybaheeda kala duwan ayaa waxaa daadihinayay Faysal Ciise

 

 

 

 

 

 

 

 

Xaflada waxaa ayaadaha Quraan ka kariimka ah ku furay Idiris Maxamed Cali

Quraanka ka kadib waxaa goobta lagu wareejiyay Macalin Xasan Faarax Warfaa oo kasoo jeeda asal ahaan magaalada Boorame, Warfaa wuxuu si tafatiran uga hadlay taariikhda reer Khaatumo isaga oo ku dheeraaday Halgankii Daraawiisheed, una soo daadagay xisbi siyaasigii USP oo asal ahaan lagaga dhawaaqay Gol Khaatumo oo ah meesha uu ka yimid magaca laagu wan qalay Khaatumo State Of Somalia.

Macalin Warfaa waxa uu tusaale usoo qaatay heesta caanbaxday ee ay Aliftay kuna Luuqeeso Xildhibaan Saado Cali Warsame. Heestaas oo aronaysa Aan wadatashano isaga oo sheegay in Khaatumo wadatashi ku dhisantay wada tashina ugu baaqdo dadka ladagan Gobolada waqooyi ee dalka. Aankuu taliyo isaga oo sheegay in Khaatumo ogashahay in loogu taliyo oo kaliya Ilaalinta Midnimada iyo wada Jirka umada Soomaaliyeed. Iitalin maysid inaan Khaatumo diyaar u ahayn in loogu taliyo Kala qobqobka umada Soomaaliyeed. Aankalo tagno Khaatumo ay leedahay kala tagi mayno ayna ugu baaqaso cidwalba midnimo.

Warfaa ayaa sheegay in gobolka uu ka yimid iyo Gobolada Togdheer iyo Waqooyi Galbeedba dadka ku sugan 90% aysan doonayn kala goynta Soomaaliya balse intooda badan aysan hadli Karin  oo ay xishoonayaan amaba baqayaan.

Waxaa goobta kasoo jeediyay Buraanbur si ba’an loogu weeray Maamulka Somaliland, si aadana loogu taageeray Khaatumo State of Somalia Luul Gaalooti oo hadalkeeda ku bilowday inay iyadu ka tirsan tahay Maamulka Puntland, Khaatumana ay Garab iyo Gaashaanba u tahay.

Waxaa goobta lagu wareejiyay Suldaan Mahdi Cali oo ka hadlay aqoonsiga la’siiyay Dawlada Soomaaliya, Taariikhda dawladihii Soomaaliya soomaray kana markhaati kacay in reer Khaatumo uu ku yaqaano wadaniyad ku salaysan raadinta iyo ilaalinta midnimada Soomaaliya.

Mahdi ayaa goobta ka sheegay in aysan Soomaaliya noqon Karin dawlad Federaal ah maamuladana lagu meel gaadho ilaa inta dadku iska aaminayaan Soomaaliyana looga talin karo oo kaliya dawlad dhexe oo awood badan dalkana si cadalad iyo sinaan ah ku maamusha.

Waxaa geeraar si talin taali ah goobta uga soo jeediyay Faysal Ciise oo ahaa xidhiidhiyaha xaflada iyo Najax Cawil Xine. Geeraarkaa oo ku salaysnaa sida ay lagama maarmaan u tahay in isu tanaasul iyo nidaam dawlad nimo loogu baahan yahay in lagu hago maamulka Khaatumo.

 

Intaa dabadeed waxaa loo dareeray in la casheeyo iyada oo ay goobta ka sanqadhayeen daryanka heesaha loo qaaday Khatumo State Of Somalia.

Waxaa marti sharaftii xafladaa kasoo qaybgalay ka mid ahaa siyaasiga ruugcadaaga Cismaan Yuusuf  Samatar(BardaCada)iyo aqoonyahana badan aanan magacyadooda lagu soo koobi karin halkan.

Cashada kadib waxaa goobta lagu soo dhaweeyay Cabdiraxmaan Yuusuf  Dhagawayne, oo ah madaxa SDC isaga oo goobta ka sheegay inuu soo dhaweenayo Khaatumo uguna baaqayo in wixii khilafaad ah ee ka dhexeeya Khaatumo iyo Somaliland miiska wada hadalka lagu dhameesto. Isaga oo ku booriyay in dadka Soomaaliyeed ee reer waqooyigu iyagu marka hore aayahooda ka tashadaan. Cabdiraxmaan waxa uu sheegay inuu isagu uusan jeclayn inuu ka hadlo siyaasada wixii kaftan ahna uu ku dhamaysto markuu usoo casho doonto Canshuur Restaurant.

Intaa dabadeed waxaa goobta logu soo dhaweeyay Cabdirashiid Macalin Faarax oo kamid G11 ka Khaatumo (Golaha Fulinta). Isaga oo ka hadlay wixii u qabsoomay Khaatumo oo uu ku sheegay inay kow ka tahay soo dhawaanshaha in maraykanku aqoonsado dawlada Soomaaliya.

Cabdirashiid wuxuu hoga tusaaleeyay shacabkii xaflada heehaabiyay  in ay Khaatumo aysan ku salaysneen dibu eegida shalay ama dib ugocashada wixii shalay dhacay balse ay ku salaysan tahay yagleelida nidaam dawli ah iyo mustaqbal u samaynta jiilka Soomaaliyeed eeku barbaaraya deegaaanada SSC.

Cabdirashiid wuxuu dusha uga tuuray dhaleeceen madaxwaynaha Maamulka Somaliland oo uu sheegay inuu ka hoos dhacay meeqaamkiisii ka dib markii uu isku ooday ama ku qancay inuu isku koobo qaybkamida gobolka Togdheer iyo gobolka Waqooyi Galbeed,  isaga oo intaa sii raaciyay in uusan lahayn aragti sidaa u qotodheer oo uu ku saleeyo go’aanada qabyada ah ee uu dadkiisa ku hogaaminayo isaga oo tibaaxay inaan loo baahnayn in hada la weeraro dhul ay ka mid yihiin Xudun.

Cabdirashiid waxa uu sheegay in ay Khaatumo sameeyeen kadib markii uu ku dheeraaday sugitaanka dawlad dhexe oo Soomaaliyeed, dadka reer SSCna ay ku dayacmeen hoos joogitaanka maamulada Hareeraha.  Isaga oo hadalkiisa kusoo gabo gabeeyay in Khaatumo u taagan tahay midnimada umada Soomaaliyeed.

Waxaa goobta gabay dheer kaga luuqeesay Safiyo C/laahi Wagad

Waxaa isna goobta ka hadlay Wasiirkuxigeenkii  wasaarada maamiyada dawladii Cabdiwali Gaas,  Farsal Cali Dirir (Cali Faysal) oo si aada ugu tuntuusaday in aqoonsiga Soomaaliya ay dawladiisu suuro galisay isaga oo dadka u sharxay muunada calanka Soomaaliya oo uu uga digay dadka inaysan ku gafin mar labaad qaabka iyo muunada calanka Soomaaliya. Cali wuxuu sidoo kale ka hadlay in Soomaaliya ay maanta ku badbaadaso kuna kala badbaadaso hadii la xoojiyo qaabka Federaalka ah ee uu qeexayo dastuurka dalku.

Waxaa keegii xaflada jaray dhalinta reer Khaatumo ee ku nool haatan  Boston ku waa soo kala ah Mustafe Cali Koosa Faare, Najaax Cawil Xine, iyo Xamdi Bashiir Cawil

Gabo gabdii iyo gunaanadkii waxa goobta la wareegay kooxda Reer Boston Bashiir Boston, Haaruun iyo DJ Smoky.

Daawo Sawiradii Xaflada

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag