Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xaflad lagu taageerayay Go’aanka Puntland ku diiday 4.5 oo jaaliyadaha Puntland iyo Jubaland ku qabteen Magaalada Boston

Iyada oo ay fooda nagu soo hayso doorashada Soomaaliya oo loo la rajeenayo inay qabsoonto bisha Agosto ee sanadkan ayaa waxaa daafaha aduunka ka dhacay Xaflado lagu taageersan yahay go’aanka ay Dawlada Puntland ku diiday in madaxda dalka ee afarta sano ee inagu soo aadan lagusoo doorto nidaamka 4.5.

Xaflad agaasinkeedu aad usareeyo ayaa xalay ka dhacday magaalada Boston taasoo ay Jaaliyadaha Puntland iyo Jubaland ay ku diideen in dalka dawladiisa dib loogu yagleelo 4.5 iyaga oo taageero la garab istaagay Maamulka Puntland iyo Madaxwaynahiisa Dr. Cabdiwali Gaas.

Waxaa Xafladaa Jaaliyadaha Kasakow kasoo qayb galay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Deeq Saleebaan Yuusuf iyo Lataliyaha Madaxwaynaha Puntland xaga arimaha gudaha iyo amaanka Cabdulaahi Ciid.

Deeq ayaa jaaliyada uga warbixiyay waxqabadka Maamulka intuu jiray waxyaabaha uga qabsoomay oo ay ka mid ahayd inay bilaabeen in canshuuraha laga qaado Hantida maguuraanka ah, dadka Haayadaha aan dawliga ahayn u shaqeeya, iyo Ganacsada.

Cabdulaahu Ciid ayaa jaaliyada kula taliyay inay is diiwaangaliyaan oo ay is ogaadaan tirada ay ku joogaan gobolwalba si ay ugu fududaato inay wax lataaban karo oo qorshaysan ka qabtaan dalka, waxa uu ku canaantay jaaliyada inaysan kasoo bixin kaalintoodii in kasta oo uu yidhi majirto dawlad isku taxaluujisay inay mashaariic usoo bandhigto ay waxkalaqabtaan inaysan wali dhicin.

Waxyaabihii ugu badnaa ee jaaliyadu ka hadashay ama soo jeedisay waxaan kusoo kaabi karnaa qodobadan soo sacda,

1.  4.5 asalkeedu waa qabiil, qabiilna qaran laguma dhiso.

2.  Sida aad ogtihii dalkeena waxaa ka dhacau Dagaal Sokeeye, Markaa 4.5 waxay ahayd dhiigjoojin ee ma ahayn sifo lagu curin karo haykaldawladnimo.
3.  4.5 uma keeni karto shacabka soomaaliyeed isu soo hilowsho iyo danwadaag siyasadeed, mid dhaqa_dhaqaale iyo mid bulsho.
4.  4.5 waa aragti gumaysi oo ku dhisan qaybi oo xukun.
5.  4.5 waa fikir ay aaminsanyihii dad gaar ah oo doonaya in aysan Soomaaliya dawladnimo ka hanaqaadin danahooda gaarka ahna ku fushadaan.
6.  4.5 waxay ka soo horjeeddaa nidaamka dimoqraadiyada iyo xuquuqulinsaanka.
7.  4.5 waa aalad cusub (Inkaar)  oo helay soomaaliya si aysan mardanbe dawladnimo higsan.
8.  4.5 waxaa lagu xakameeyaa wadaniga, aqoonyahanka iyo wax garadka soomaaliyeed.
9.  4.5 waxaa taageera damiirlaawe dan gaar ah leh
10.  Sidaa darteed 4.5 xal uma aha Soomaaliya ee waa xaaraane , halaga gudbo, hana loo gudbo hab degaan oo ku dhisan matalaad bulsho oo dhab ah.


Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply