Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xaflad lagu soo Dhaweenayay looguna mahad celinayay Madaxwaynihii hore ee Khaatumo oo ka dhacday Boston

Waxaa magaalada Boston ka dhacay xalay oo taariikhdu ahayd Nov 23, 2014 xaflad aad u agaasinayd oo Jaaliyada Soomaalida Boston ku soo dhaweenayeen Madaxwaynihii hore ee Khaatumo State of Soomaaliya Maxamed Yuusuf Jaamac ‘Indhosheel’. Xafladaa oo ay soo agaasimeen Jaaliyada Khaatumo ee ku dhaqan Magaalada Boston ayaa waxaa lagu soo casuumay qaar ka mida madaxda jaaliyada kuwaada ka shaqeeya arimaha istimaaciga.

 

 

 

Gudiga qaban qaabada Xafladan ayaa si gaara ugu mahad celinaya Cismaan Xaaji Xaashi iyo Hibo Maxamuud Xaaji Xaashi oo iyagu si wayn uga qaybqaaatay isku duba ridkii xaflada iyo waliba habsami usocod keedii.

 

 

Waxaa Xafladan Daadihinayay Jamaal Yuusuf Guray isaga oo marwalba xasuusinayay dadwaynaha macnaha Khaatumo oo ah adkaynta midnimada Soomaaliyeed.

 

 

Aayadaha quraanka waxaa Xaflada Ku furay Idiris Maxamed cali.

 

 

 

 

 

 

Kalmadii wacdigana waxaa dadka cabsida EEBE ku booriyay Sheekha Magaalada Boston Fadligiisa ilaahay ha u siyaadshee Sheekhunaa Cabdilaahi Canshuur.

 

Ibraahim Xaaji Xaashi ayaa  taariikhda Madaxwaynihii hore ka hadlay dadkana u bayaamiyay sababta Indhosheel loogu soo dhaweenayo ee loogu maamuusayo Boston iyo meelkasta uu tago Soomaalida dhexdeeda inuu u dhabar adaygay hawshii hashii Khaatumo ee ilaalinta midnimada Soomaaliyeed, iyo sidii uu markii laga guulaystay xilka u wareejiyay, iyo sida uu wali uga shaqeenayo hawsha Khaatumo.

 

Oday Doolaal oo ah nin u xirnaa Itoobiya mudo ka badan 15 sanadood ahaana nin in badan ka sahqeeyay midaynta umada Soomaaliyeed ayaa sheegay inusuusan tagin xafladaha Maamul goboleedada balse ay Khaatumo meel gaarakaga taalo sabata oo ah ayuu yidhi waxa ay ahyd markii hore iyo waxa ay hada u taagan tahay.

 

Xasan Warfaa ayaa isna ku booriyay in khilaafaadka ka jira Soomaaliya lagu dhameeyo wada hadal isaga oo markii danbe kula taliyay Indhosheel iyo Khaatumaba inay Hargayso tagaan oo halkaa kula hadlaan maamulka Somaliland.

 

 

Xildhibaan Cabdiraxmaan Caydiid ayaa isagu ku guubaabiyay jaaliyada inay sidiisa ka qayb qaataan doorashooyinka dalka “Qofku hadaan miiska talada wadanka maraykanka  loo fadhiyin warkiisu miiska mayaalo” cabdiraxmaan ayaa ku guubaabiyay dadwanihii xaflada isugu yimid in lagu dadaalo waxbarashada.

Waxaa Goobta la wareegay Ugaaska Magaalada Boston Ugaas Siraad Baqow oo si cad u sheegay in sabata loo maamuusayo ay tahay Go’aankiisii “waan oganay waxa Khaatumo ka dhacay kuwa tagay iyo kuwa jooga waan og nahay anagu waxaan u duceenanaa taageeranaana kuwa aan nagu cahdi furin, Wali ma maqal meel ay Khaatumo ku duushay ama cid ay gardaraysatay iyada uun baa dhib hareeraha lagala taagan yahay ayuu ugaasku hadalkiisa kusoo koobay.

Madaxa RIAC Maryan Gaas ayaa iyaduna ka hadashay in ay aad ugu faraxsan tahay in dadku gartaan astaanta Calankeena iyo barashada inta dhul ee aynu leenahay, Maryan ayaa kusoo afmeertay in uusan dalku kala go’i karin inta ay Khaatumo diidantahay kala Goynta.

 

Cabdiraxmaan Yuusuf madaxa SDC ayaa isagu aad u soo dhaweeyay Boston, isaga oo hadalkiisa kusoo koobay in Ilaahay Khaatumada ina tuso.

 

 

 

 

 

 

Inataa Dabadee waxaa Goobta la wareegay Madaxwaynihii hore ee Khaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac Halac”Indho-sheel” isga oo guudmaray mabaadiida Khaatumo, Curashadii Khaatumo, sabata maamulka ay ka tirsanaayeen SSC ee Puntland looga baxay, Jawaabo dadkii ka hadlay goobta sida Macalin Warfaa, Arimaha siyaasada ee cakiran ee Soomaaliya, Mamda’a Khaatumo ee ku aadan Puntland iyo Somaliland. Ha ka dheeraan Barnaamijkii Dayaan ee SOMSAT.Tv

 

Daaawo Sawiradii Xafladaa

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply