Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xaflad Lagu go’aamiyay isgarbtaaga Dawlada Soomaaliya oo ka dhacday Magalaada Boston, MA USA

Xaflad si heersare ah  loo soo agaasimay oo lagu soo dhaweynayay isbadalka siyaasadeed ee kadhacay wadankii hooyo ayaa caawa kadhacday caasimada gobolka Massachusetts ee magaalada Boston ee cariga Maraykanka. Xafladan oo kasoo qayb galeen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed ee kudhaqan magaalada Boston waxaa taageero iyo soodhawayn aad u balaadhan loogu muujinayay in dalku kabaxay xaaladii kumeelgaadhka ahayd  iyo waliba madaxda qaranka ee sida xorta ah loo soo doortay oo u horeeyaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof Maxamed Sheekh Sicmaan Jawaari.

Dadwaynaha Soomaaliyeed ee reer Boston oo ay weheliyeen wafdi balaadhan oo ka yimid magaalada Portland ee gobolka Maine oo ay horkacayeen fanaaiinta qaranmeedka Salaad Darbi iyo Shankaroon iyo gudoomiyaha Jaaliyada Portland Xamza Haadoow.  Waxaa iyaguna xaflada goobjoog ka ahaa fanaaniin qarameedka reer  Boston Cismaan Bulow iyo Jaangoow ayaa wacad ku maray inay si buuxda u garab istaaayaan dawladooda ka dhalatay dalkii hooyo iyaga oo dhamaan jaaliyadu hoosta ka xariiqday inay tageero Hiil iyo Hooba la garab istaagayaan Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dawladiisa.

 Jaaliyada reer Boston ayaa ugu baaqasa dhamaan jaaliyadaha Soomaalida ee  ku dhaqan daafaha dunida in dhaqaale degdeg ah oo bile ah lagu taageero dowlada si aan loogu baahan kaalmo shisheeye oo dalkeena loosiimariyo meelo kaladuwan oo dhaqaalahaasi u dhafin dalka. Iyada oo dhamaan aqoonyahaniintii ka hadlay goobta ay isku raaceen in Soomaaliya dhaqaale ahaan aysan u baahnayn kaalmo shisheeye, wixii lacag cadaan ahna ay Soomaalidu awoodaan inay iyagu isku tashadaan.

Xafladan waxaa iyaguna kaalin laxaadleh ka qaatay Haweenka oo soo bandhigay Gabyo Buraanbur ah oo kaga oohisiiyay dhamaan dadkii kasoo qayb galay. Jawiga xaflada oo aan qoraal lagu soo koobi karin ayaa  Jaaliyadu hoosta kaga xariiqday furitaan Saduuq Dhaqaale si lagaga dhabeeyo in si toos ah loo garab istaago dawlada Soomaaliya.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag