Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xaflad Lagu Furay Masjidul Rawda oo ka Dhacday Boston.

Xaflada waxaa xidhiidhinayay Cabdi Fataax Kilinbe oo sheegay in xafladu isugu jirto sadex qaybood oo kala ahaa in Alle lays xasuusiyo, in warbixinta Masaajidka lasoo gudbiyo iyo in laga munaaqashooda hawsha masaajidka.

Maxamed Fawsi ayaa ka warbixiyay xaalada masaajidka iyo meesha uu marayo wacdi waano u badana soojeediyay. Dhinaca kale Imaamka masaajidka Al-Quran Talaal ayaa sheegay in ay muhim tahay in la ilaaliyo midnimada umada Muslimka ah isaga oo carabka ku adkeeyay in lays tixgaliyo. Waxaa isna wacdiyay dadka Sheekh Maxamed Shaakir oo yidhi meel kasta oo khayra oo layga yeedho waan ka dhex muuqdaa dadkana sidaa faray, isaga oo kula dardaarmay hawl wadeenada masaajidka inay ku dadaalaan inay daacad ka noqdaan hawsha Masjidka.
Waxaa isna Goobtu ka hadlay Professor Sheekh Cabdulaahi Canshuur isaga oo isna kula dardaarmay culimada hawl wadeenada ka ah masjidka inay amuurahooda u qabtaan iyaga oo raali galinaya uun EEBE.  Waxaa isna goobta ka hadlay Sheekh Muxumud oo isaga oo ugu hanbal yeeyay Jaaliyada Soomaaliyeed in goobtaas ahayd wiigii hore kiniisad hadana ay noqotay masaajid lagu baranayo Quraanka.

Waxaa isna la hadlay dadka Sheekh Cabdul-Xayi oo ku booriyay shacabka inay ka qayb qaataan yagleelida masaajidka oo ah sadaqo u soconasa geeri dabadeed. Warbixinta Masaajidka waxaa soo jeediyay Cabdulqaadir Barbaraawi isagoo  ka sheekeeyay waxa ku kalifay in isaga iyo raga yagleelay masaajidkan ay tahay baahi baahsan oo ka haysata dhinaca dacwada Jaaliyada Soomaaliyeed madaama ay dagan yihiin magaalada Boston iyo nawaaxigeeda dad gaadhaya ilaa 2000 oo qoys ayna Soomaalidu gaar u leeyihiin uun hal masaajid.

Madaxa SDC Cabdiraxmaan Dhagawayne ayaa isna ka hadlay muhimada midnimada umada Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in ay ka Gudi Jaaliyadeed ahaan la shaqayn doonaan cid kasta oo dadka wax u qabanasa.

Hadaba Masaajidkan oo ah kii 2aad ee Jaaliyadu yagleelato ayaanu ogaanay inay jirto fursad dahabi ah oo lagu iibsan karo gabigiisaba halkii lagu kiraysan lahaa lacag ka badan 6000 bil walba, Dhaqaalaha layska rabo ee waliba dagdega ah ee noqon kara deeq ama dayn waa uun 400, 000 (400 qoys oo min kun kudeeqa ama daymiya masaajidka Ilaaahay dartii.

Dhinaca kale Jaaliyada ayaa ka qaybqaadatay dhismaha masaajido aad u tiro badan oo ku yaala Maraykanka sidaa darteed ka filasa inay iyana markeeda ku garab qabtaan dhismaha masaajidka Al-Rawda ee magaalada Boston.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply