Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xaflad Heer Qaran u abaabulan oo reer Boston ugu dabaaldageen Dawlada Cusub ee Soomaaliya


Xafladan oo ay ku midaysnaayeen Jaaliada sida caadada u ahayd ayaa waxaa si talantaali ah u xidhiidhinayay Eng. Xuseen Fiin iyo Jamaal Y. Guray

 

Xaflada waxaa Aqriska Ayaadaha Quraanka Kariimka   ah ku furay Sh. Cabdulaahi Afgaab

 

 

 

Waxaa Xaflada  Furay  Odayga Ugu Jecel midnimada Soomaalida iyo wada jirkooda magaalada Boston Cabdulaahi Gurxan, oo sidii caada u ahayd u mahad celiyay qaban qaabiyayaasha Xaflada siiba Haweenka.

 

Waxaa goobta loo is taagay Astaanta Heesta Calanka  ‘Soomaaliyay Toosoo’

 

Waxaa madasha la wareegay  Hagaamiyeyaasha Dacwada

 

Sheekh Cabdulaahi Canshuur ayaa isagu xasuusiyay dadka inay carabkooda dhexdooda inay isga ilaaliyaan dawlada ay carabka dalabta leh laga ilaaliyo.

 

 

 

 

 

 

Madaxa Masaajidga Alrawda Kheekh Maxamed Fawsi ayaa isagu ka hadlay muhiimada ay leedahay in la adeeco Madaxda.

 

 

 

Dr. Al-qaari: Maxamed Sheekh Ibraahim ayaa dawlada kula taliyay inay la timaado dawlad wanaag isaga oo yidhi boosaska siyaasada halagu bixiyo 4.5 ileeen wali maynaan bogsanina, balse boosaska khibrada u baahan waa in loo xulaa dad u fara dhuudhuuban…

Madaxa Al-khadiija Islamic School Sheekh Cabdul xayi, oo isna ku guubaabiyay inay Soomaalidu ka faa’iideesato waxa ka liya ee aan khaaska u leenahay, ee ah martisoorka oo aynu uga faa’ideesano in aynu wanaagaa ilaahay Soomaalida ku barakeeyay, ugu danbayna ku tirtirsiiyay in loo duceeye dawlada Soomaaliya. Tiiha Shacabka iyo wax yaabe kale oo badan.

 

Waxaa Soo afmeeray wacdiga iyo waanadii  sheekha magaalada Boston Sheekh Yuusuf Cabdala. Sadex arimood Qalbigeenu cidhiidhi ma galayo hadii nalaga helo, 1. ILaahay oo camalka loo barax tiro. 2. Daacad nimo, Iyo waanada dadka oo la badiyo. 3. Dadka wanaagsan inuu taladooda qaato.

Heesta Calanka Qolo waa calankeed

Waxaa gabayo aad u qiimo badan iyo waliba buraanbur kasoo jeediyay madahsa Khadro Khaliif , Safiyo Qooje iyo

 

 

 

 

 

 

Madaxyada Gudiyada Magaalda ayaa iyagu tahniyad u diray Dawlada waxayna kala ahaayeen

Cabdiraxmaan Yuusuf  Madaxa SDC  oo ah haayada ugu horeesay ee bilowday in ay jaaliyada ka caawiso dhinaca istimaaciga ayaa dawlada kula taliyay in dawladu xoojiso waxbarasha iyo Isboortiga dhalinyarada, shaqo abuur in loo sameeyo shacabka si ay shaydaanka ula ciyaarin.

 

Maryan Gaas oo ah Madaxa RIAC. Ayaa Madasha ka cadeesay in khilaafka Soomaalida ay ka danbeeyaan Raga Soomaaliyeed, balse dhinicii dumarka Bilad geesiyaad iyo Sharafba siisay. Waa inaan isku tashanaa waayo dad yar oo dhul khayraad badan haysta iyada oo dawlada u sheegtay Rag Rag haysta ayaa meel gaadha.
Saciid Ahmed   Madaxa USY  Ayaaisagu hadalkiis akusoo koobay saabiixtinamada u dhaxaysa isaga iyo Madaxwaynaha Soomaaliya.

 

 

Deeqo Jibriil Madaxa SCCA oo iyada u ordasa inay noqoto latiliye duqa magaalada Boston siiba xaafada ay soomaalidu ubadan tahay ee Roxbury. Deeqo ayaa u sheegtay inay shingaani kasoo diga rogatay iyada oo madaxwaynaha ka codsatay inay doonaso inay dalka kusoo noqoto. ugu danbayna ka codsatay Jaaliyada inay si buuxda u garab istaagaan. Deeqo hadii ay ku guulaysato Jagadan ayaa waxay dhirbaaxo ku noqonasaa dadka baryahan danbe caadeestay inay wax ka sheegaan qaxootiga.
Cali Baashe oo ah madaxa  FAANOOLE , oo ah haayad u dhaqdhaqaaqda xuquuqul insaanka isga oo sheegay inuu shaqadiisa ugu badan inuu ka qabtay magaalada Kismaayo, Cali ayaa dawlada ugu hanbalyeeyay. Cali ayaa Baarlamaanka ka codsaday inay Baarlamaanku siyaan codkooda si uu dardar u galiyo hawlaha dawlada.
Maxamed Xabeeb oo haatan ah kusiisimaha ururka SOCONE   oo u dooda xaqa dadka Soomaalida ee gobolkan ayaa madasha ka soo jeediyay Gabay aad u qiiro badan, Sidoo kalena ka hadlay dayaca haysta dadka ku dhaqan dalkeenii oo run ahaantii sheegay in ay tahay wax aan caqliga galayn. Gabayka dhalinta dhugo goor dhaw…

 

Yaasmiin Daahir  oo madaxwayna hada ka ah Somali American Youth Parents Association SAYPA.ORG. Ayaa iyadu sheegatay in hada lasoo gaadhay wakhtigii aan ka fikiri lahayn mustaqbalka caruurta madaama ay suuro gal ahayn in haatan lagu noqdo Soomaaliya. Samiira ayaa iyadu si aada ugu dheeraatay in loo tabaabu sheesto ku noolaansha wadankan, fadhiga laga koco dhaqanka loo gudbiyo jiilka soo kacaya, Afsoomiilaga la nooleeyo, Diinta lagu dhaqmo, ugu danbayna hanbalyo u dirtay Dawlada Soomaaliya iyada oo waliba sheegtay inay diyaar u yihiin SAYPA ahaan in ay ka qabqaataan kharashaadka Ciidamada 6 bilood ee fooda inagu soo haya.

 

 

Waxaa iyana madasha ka hadlay oo aan goor dhaw idiinsoo gudbin doonaa shaqsiyaad matalayay

  1. Cabdiraxmaan Warsame Cusmaan                                                                Maine
  2. Cabdiraxmaan Gaandi                                                                                      Vermont
  3. Geeldoon                                                                                                            Connecticut

 

Intaa dabadeed Waxaa la wareegay goobta xaflada Waxgaradka Jaaliyada kuwaasoo iyaguna u sheegay shacabka mauhiimada ay leedahay in dawlada la garab galo waxaana hadaladooda ka mid ahaa.

Waxgaradka hadaladooda oo cajalada ah hada ayaan soo daabacanaa waxayna kala ahaayeen,

Maxamuud Taako ,    Cabdi Deeq    Aadan Dheere,    Maxmamed Aadan (Gudoomiye) ,  Bacwaan, Nageeye.  Shamhaad Xalwo ,    Cabdiraxmaan Caydiid ,    Jaamac Cigaal (Guulwade), Maxamed Jaamac Shaale, Cabdirisaaq Baale , Kornayl Kiimoko, Ritoos,   Suldaanka magaalada Mahdi Axmed Cali    oo xaflada Soo xidhay .

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply