Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xaflad Dalacsiin Ah oo loo qabtay Barayaasha Jaamacadda Muqdisho

Munaasabad aad u heer saraysa oo si wayn loo agaasimay oo loogu maamuusayay 9 sagaal macilin oo u dalacay darajooyinka sare ee PhD-da.  3 sadex ka mid ah macalimiintaas waxay ka dalaceen ASSOCIATE PROFESSOR waxana u dalaceen darajada PROFESSOR halka 6 lixda macalin ee  kalena ay ka dalaceen darajada cilmiyeed ee ASSISTANT PROFESSOR una dalaceen darajada ASSOCIATE PROFESSOR.

Xafladda waxaa ka soo qayb galay Gudoomiyihii hore ee Jaamacadda Muqdisho Professor Cali Sheekh Axmed iyo Professor Cabdi Ismaciil Samatar oo labaduba ka tirsan Board-ka  Jaamacadda (BOAD OF TRUSTEE) hormoodyada kuliyadaha jaamacadda  maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda,  aqoon yahano badan oo cilmibaarayaal soomaaliyeed ah iyo marti sharaf kala duwan.

Manaasabaddan oo lagu daah furay qur’aanka kariimka ayaa waxaa kalimad soo dhawayn ah ka soo jeediyay Ustaad Cali dahair Mohamed Gudoomiye ku xigeenka arimaha akaadamiga ee Jaamacadda Muqdisho  wuxuuna si wayn faahfaahiyay shuruudaha dalacaaddda cilmiyeed ee ay Macaliminnta dalacday ay buuxiyeen; isaga oo goobta ka aqriyay magayada macalimiinta, darajada ay horay u haysteen iyo midda ay hadda u dalaceen cilmi baaristii, ay sameeyeen iyo mudadii ay jaamacadda wax ka dhigayeen.

Professor Dr, Maxamed Xusseen ciise oo ku hadlayay magaca macaliminnta munaasabadda lagu maamuusayay ayaa si aad ah ugu macadceliyay Boardka Jamacadda Muqdisho iyo kuliyadaha ay ka kala socdaan macalimiinta dalacday iyo dhamaan ka soo qaybgalayaasha isaga sheegay in shuruudaha dalacsiinta cilmiyeed ay aad u adagtahay waqti dheerna ay u soo halgamayeen darajada maanta ay gaareen kuna balan qaaday in aya sii wadayaan cimibaarista la xiriirta  horumarka dalkeena iyo dadkeenna wuxuuna Allah ka baryay in cilimigooda mid Naafac ah ka dhigo.

Professor Cabdi Ismaciil Samatar ayaa aad ugu adkeeyay agoonyahanada soomaliyeed in ay cilmibaaris dhab ah sameeyaan dadaal koodana ay isku daraan, isaga oo sheegay in cilmibaaristu ayna sahalanayn waana waxa ay dawladaha aduunyadu isku dhaafeen.

Professor Dr. Cali sheikh Axmed oo ah gudoomiyihii hore ee jaamacadda Muqdisho ayaa u hanbalyeeyay macalimiinta dalacday oo uu aad ugu amaanay dadaalkoodii cilmibaarista  iyo waxbaridda iyo barbaarinta ardayda heerka jaamacadeed iyo kuwa mastarka diyaarinaya. professor Dr. cali wuxuu ku dheeraaday standaradda caalamiga ah ee tacliinta iyo sida ay jaamacadda Muqdisho uga taagantahay illaalinta tayada tacliinta una diyaariso ummadda soomaaliyeed iyo dunidaba aqoonyahano dhab ah. laqabyada iyo

darajooyinkuna waa kuwo lagaaro ee maaha kuwo la sheegto.

Cabdinaasir Yuusuf Macalim

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply