Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xaflad balaadhan oo lagu taageerayo dowlada cusub iyo madaxweyne Farmaajo oo Edmonton lagu qabtay.

Xaflad ballaadhan oo loogu dabaaldegay dawladda cusub ee Soomaaliya ee uu madaxwaynaha ka yahay Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo  ayaa lagu qabtay Hudheelka Sands Inn ee magaalada Edmonton ee gobolka Alberta ee dalka Kanada.. Xafladdan ayaa waxa ka soo qayb galay kumaakun ka tirsan dadwaynaha ku dhaqan magaalada Edmonton iyo nawaaxigeeda.

Xafladdan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka hadlay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Edmonton ka koobantahay sida, odayaasha, haweenka, dhallinyarada, culumaaudiinka, ganacsatada, iyo indheergarad farabadan.

Dhammaan dadkii ka hadlay xafladdaas ayaa ammaan, bogaadin, duco iyo dardaaran u soo jeediyay madaxwaynaha cusub ee Somaaliya mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya .

Sidoo kale Waxaa si gaara loogu mahad celiyay Farshaxaniistaha weyn ee Amiin Caamir oo xafladan hindisaheeda lahaa iyo dhalinyaradii kale ee kala shaqeysay.

Xafladdan ayaa waxay ku soo gabagabowday jawi wanaagsan oo quruxbadan loona riyaaqay.

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply