Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xaaladda ay ku nool yihiin Tahriibayaasha Soomaalida Gariiga (WARBIXIN).

Qormaddaan waxaan doonayaa in aan diiradda ku saaro Xaaladdo adag oo ka jira dalka Gariiga kuwaa oo  heysata Soomaalida ku nool dalkaas, iyadoo qaarkood ay yihiin kuwo Calool Xumo badan kugu reebaya.

Ismaaciil Shoobaay  waxa uu ka mid yahay Dhalinyaradda Soomaalida dalkan Gariiga ku nool isla markaana horay ugu xanuunsaday  waxaan weydiiyey Dhowr Su’aalood oo igu qasbay in aan qalinka u qaato Qormadaan, taasi oo ah Wacyiga ka jira Wadankaan.

Wiilkaan lagu magacaabo Ismaaciil Shoobaay waxa uu dalka joogaa muddo Saddex Sano ah sida uu ii sheegay, waxa uuna ku hamiyaa mar waliba in uu dalka ka baxo laakiin nasiib wanaag uma suura gelin inuu halkan ka gudbo, wuxuu tilmaamay in muddo hal bil ah uu ku jiray mid ka mid ah Isbitaaladda dalkan kadib markii ay soo wajahday xaalad Caafimaad Xumo.

Sidoo kale Ismaaciil wuxuu intaas hadalkiisa raaciyey  muddada uu xanuunsanaa xaaladiisa ay aad u Liidatay in kastoo uu sheegay in dhanka daweenta ay ka saacideen Hay’ado Caafimaad oo bilaash ahaa.

Dowladda Gariiga ayaa xirtay Xafiiska Jaaliyadda Soomaalida ee meesha ka jirtay muddo hore kadib markii ay weerar ba’an ku soo qaadeen  Cunsuriyiin,  waxayna burburiyeen wixii agab ahaa ee yiilay xarunta Jaaliyadda weerarkaasi wixii ka dambeeyeyna  Booliska wadankan  waxay soo saaraan Qaraar lagu xiray Xafiiskaas, taasi oo sababtay in xaaladda ay aad uga sii adkaato dhanka Nolosha.

Xarunta Jaaliyadda ayaa ahayd mid dadka Liita ay ka helaan Cunto iyo waxyaabaha kale ee ay u baahan yihiin Soomaalida ku dhibaateysan dalkan, haddii ay ahaan lahayd in laga caawiyo Maxaabiista Xiran oo la booqdo, Caafimaadka, u doodista Xuquuqda Tahriibayaasha Soomaalida ah oo aan hadda dhammaan waxyaabahaasi horay looga heli jiray Jaaliyadda ay waayeen.

Cunsuriyiinta ayaa ah dad Aalaaba dhibaateeya dadka Soomaalida ah waxaa jira qaar  si xun loogu jirdilay wadooyinka, Kuukaay oo ka  mid ah dhalinyaradda dalkan in muddo ah ku nool ayaa dhankiisa ii sheegay in Ilkihiisa uu ku waayay Jirdil ay u geysteen Cunsuriyiinta, xiliga dhibaatadan loo geysanayayna goob aan sidaas uga fogayn ay ku sugnaayeen Ciidamada Booliska waxna u qaban xitaa iskuma aysan dayin Ciidamada inay dadka Cunsuriga ka qabtaan dhibanahani.

Wuxuu yiri Kuukaay “Aniga oo dhiigeyga qubanaya Ilkihiina gacmaha ku wata ayaa galay Saldhig Boolis laakiin waxay igu yiraahdeen halkan ma ahan Soomaaliya waa Gariiga dalkeena ee bax”.

Dhacdooyinkan ayaa ah mid mar waliba soo  laab-laabta xilitaa xiliyada qaar Ciidamada Booliska waxay jirdilaan dadka shacabka ah iyagoo isticmaalaya awoodooda Ciidanimo, hase’yeeshee ay ka muuqato Cunsurinimo jirkooda ku beeran.

Dhinaca kale Arrinta Xanuunka igu beertay ayaa ah Dumarka Soomaaliyeed oo doonayay in ay gaaraan wadan ka nolol iyo Aayatiin wacan dalkaani ayaa u sahlanaan weysay inay ka baxaan kagadaal markii qaarkood ay ku dhaleen Caruur, mana jirto wax daryeel ah oo ay ka helaan Dowladda Greega.

Hooyo Soomaaliyeed oo ka gaabsatay in aan xusno Magaceeda ayaa sheegtay in si Tahriib ah ku timid dalka Gariiga iyadoo doonaysa in ay mar uun Cagaha dhigto wadan ka nolol wanaagsan dalkan Greega, balse uma suuragelin inay iyada iyo caruurteeda oo gaaraya laba Caruur ah inay ka gudbaan sababo la xariira Arrimo dhaqaale iyo dhanka Safarada Dumarka oo ah mid aad uga adag dhanka Ragga, wadada kaliya ay inta badan Dumarka ku safraana ay noqotay dhanka Garoonka Diyuuraddaha waxayna danta ku qasabtay inay halkan joogaan iyada iyo dumar kale oo aad u fara badan.

Dhanka Mooralka dadka Tahriibayaasha ayaa ah mid aad u adag waayo dhalinyaradda ma hayaan wax Shaqo ah habeenkii oo dhan waa dibad wareeg halka ay maalintii  jiifaan, waxaa taas u sii dheer walaac ay ka qabaan in ay xiraan Ciidamada Booliska, inta badana habeenkii dhalinyaradda waxay isku madadaaliyaan Daa’uud Internet Café halkaasna waxaa loogu yeeraa Soomaali Istaag.

Sidoo  kale waxaa jira Booliska oo mar waliba xarig kula kaca Soomaalida taasi oo mararka qaar sababta inay Xabsiyada ku xirnaadaan Muddo Sanad Ama Lix Bilood, waqtiyadii hore Ciidamada Booliska ma aysan qaban jirin Dumarka laakiin hadda waxay bilaabeen xitaa inay Dumarka Xiraan iyadoo aan la garanayn waqtiga ay xirnaanayaan Dumarka.

Waxaa kale oo jirta dadyow badan oo ka kala yimid wadamada Scandenevean iskuguna jira ragg iyo Dumar oo u soo shaqo taga wadanka Gareega si ay u caawiyaan walaalahooda Soomaalida kuwaasoo dhankooda soo wajahaan Xarig kuna waayaan Aayatiinkooda Nolosha iyo Ubadkii ay ka soo tagteen uuna Greega ugu badalo noloshii ay raadinayeen oo ay ku naaloonayaan inay ka helaan Qarashadaad kala duwan, arrintaas oo sababta xarig dheer mana heli karaan Abukaate si wanaagsan ugu doodaya xabsiyadana waxay ku soo qaataan muddooyin aad u fara badan taasoo sababi karta inay mugdi gasho Mustaqbalkoodii hore.

Dowladda Gariiga waxay dadka Soomaalida iyo Ajaanibta kale ku amraan inay dalkooda muddo Bil ah isaga baxaan haddana Umma sahlana dadka inay wadanka ka sii baxaan waana arrimo Iska Hor’imaanaya.

Ugu danbeyntiina anigoo ah Qoraha Qormadani Wariye Bile Maxamad Cabdi (Bile Baastey) kana mid ah dadka magan-geliyo doonka ah oo haatan ku sugan Magaalada Athanes ee Dalka Gariiga waxaan ALLE uga baryayayaa Soomaalida Silica uu ku heysto dalkan inuu ALLE ka bixiyo.

Qalinkii Wariye Bile Maxamed Cabdi (Bile Baastey).

Athanes-Gariiga.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply