Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wefti uu hoggaaminayo Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Siilaanyo oo u ambabaxay dalka Itoobiya

Madaxweynaha maamulka Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hoggaaminayo ayaa shalay u ambabaxay waddanka Itoobiya oo ay kaga qaybgalayaan aaska Ra’iisal wasaarihii Itoobiya Meles Zenawi oo Axadda maanta la aasi doono.

Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisu waxay saaka diyaarad ka raaceen garoonka diyaaradaha (Maxamed Ibraahim Cigaal) ee magaalada Hargeysa, waxaana garoonka ku sii sagootiyey Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Masuuliyiin ka tirsan Xukuumaddiisa, isaga oo Madaxweynuhu salaam sharaf ka qaatay qaybo ka tirsan Ciidammada qalabka sida.

Intii aanu garoonka diyaaradaha ee Hargeysa ka dhoofin Madaxweynaha maamulka Somaliland iyo Weftiga uu hoggaaminayaa, waxa uu Madaxweyne Siilaanyo warbaahinta kula sii hadlay qolka nasashada garoonka, isaga oo faahfaahiyey ujeeddada socdaalkiisa uu ku tagayo magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Waxaanu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo ujeeddada safarkiisa ka hadlayaa yiri; “Safarkaygan aan Itoobiya ku tagayaa wuxu daarran yahay oo aannu ku soconnaa aaska loo samaynayo Ra’iisal wasaarihii geeriyooday ee dalka Itoobiya. Itoobiya-na waa dal aynu jaar nahay, waa dal aynu saaxiib nahay, walaalo nahay, aad isugu fognahay.”

“Ra’iisal wasaarihii geeriyooday Meles waxa uu ahaa nin muhiimad weyn u leh geeska Afrika Somaliland ahaanna xidhiidh fiican oo dhawi innaga dhexeeyey, waxaana halkaa isugu imanaya wufuud badan oo caalami ah oo dabcan aannu qayb ka noqon doonno aniga iyo Weftigaygu.” Sidaa ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo.

Madaxweynaha Somaliland Xubnaha safarkiisan uu Itoobiya ku tagay ku weheliyaa waxay kala ahaayeen, Marwadiisa Aamina-waris Sheekh Maxamed Jirde, Wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Cabdillaahi Cumar, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xoghayihiisa gaarka ah iyo xubno kale oo Xukuumadda ka tirsan.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag