Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Weerar toogasho ah oo ka dhacay xarunta Baarlaamanka ee dalka Kanada.

Weerar geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacday xarunta barlamaanka ee Magaalada Ottawa ee Caasimadda dalka Canada ka dib Markii rag hubeysan oo loo maleynayo in ay gaarayaan ilaa saddex ruux ay weerar ku qaadeen Dhismaha Baarlamaanka ee wadanka Canada iyo dhismayaal kale oo ku dhawaa.

Ciidamada amaanka ayaa sheegay in qof hubeysan oo watay baabuur nooca raaxada ah uu toogasho ka geystay albaabka hore ee xarunta Baarlamaanka, uu halkaas ku dilay hal Askari, mid kalena uu ku dhaawacay, Iyadoona toogashadaas ka dib la sheegay in qofka hubeysan uu gudaha u galay dhismaha Baarlamaanka.

Daqiiqdo uun ka dib markii uu bilowday weerarkaas waxaa xigay toogasho kale oo ka bilaabatay dhisme Shopping Mall ah oo ka soo horjeeda xarunta Baarlamaanka, Halkaas oo rasaas xoogan laga maqlay.

Ciidamada amaanka Canada ayaa goordambe xaqiijiyey in la dilay Michael Joseph Zehaf-Bibeau oo ka mid ahaa ragga weerarka fuliyey , Maalmo ka hor ayey ahayd Markii Nin  meel u dhaw magaalada Montreal gaari ku jiirsiiyey laba Askari oo ka tirsanaa ciidanka Militariga dalka Kanada kuwaas oo mid ka mid ah uu dhintay, midna dhaawacmay,

www.ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply