Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Websiteyada ku-shubada ah, ee ku adeegta magaca Khaatumo, ma ku dhici karaan inay markale waraystaan Mudane Jaamac Xasan Khaliif?!!!

Websiteyada ku-shubada ah, ee beenta iyo fidnada ku caanbaxay, ee ay G6 ku maal geliyaan, xoogaaga laga soo furto nabasta dumarka qaxootiga ah, ee loo adeegsado isku-dirka iyo kala fogaynta beelaha Khaatumo, ayaa ka dib markii uu maamulkii Khaatumo u kala baxay Khaatumo iyo Khiyaano! Waxa mid ka mid ah websiteyadaa ku-shubada ah, ay waraysi maqal iyo muuqaal ah ka qaadeen siyaasiga Jaamac

Xasan Khaliif, oo mudo dheer hada ku soo jiray siyaasada Soomaalida, siiba tan deegaanada SSC, runtiina aan u qabo in uu yahay siyaasi bisil, oo aad u hufan, mabda’ leh, aad u caqli wanaagsan, ehlu diin ah, daacadnimona ka muuqato, intii karaankiisa ahaana ku dedaalay, in uu dadkiisa wax la qabto, hase yeeshee cida Allaah xumaan iyo karaamo daro la maago, wuxuu ku salidaa shaydaan kaa indha tira

Wax kasta oo wanaagsan, una dhaldhaaliya wax kasta oo xun, hada reerka Dhulbahante, waxa laga indha saabay dadkooda wanaagsan, ee waxku-oolka ah, waxana loo dhaldhalaaliyaa had iyo jeer mid shaydaan u raran, oo dano guracan, oo isaga u gaar ah wata, markaas bay daba ordaan, oo talo u dhiibtaan, dabadeedna jar buu ka tuuraa, saddex iyo labaatankii sano, ee ina dhaafay Dhulbahante wuxuu

Kala garan la’yahay midkooda wanaagsan, ee tolnimada ilaalinaaya, ee Allaah ka cabsada, iyo shisheeye kalkaal danaystaha isqorka ah, oo aan diin iyo dhaqan toona ilaalin, oo aan xeerinayn, wax xidha ama xakamayaana jirin, Dhulbahante in talada la seejinaayo, waxaad ku garataa, Dahab ayay Maar iyo wax ka liita ku bedeshaan had iyo jeer, tusaale ninkan aan hada ka sheekaynayno ee Jaamac Xasan Khaliif, oo ah

Nin aad u nadiifa sidaan soo xusnay, aqoon aduun iyo mid aakhirobana waxa ka yaqaan, daacadna ah, ayna ka muuqato isu dheeli tirnaan xaga beelaha Dhulbahante, taas oo beryahan dambe kuba yar siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka beesha, shirkii Nairobi waxaa Jaamac Xasan laga fadilay, oo laga doortay Saleebaan Cadaw Toosiye, oo aynu og nahay halka uu maanta ku sugan yahan, maalintaana aanay

Qarsoonay waa kuma Saleebaan Cadaw Toosiye ?!!! shirkii Taleex ee Khaatumo lagu dhisayna, isaga oo mudnaa wasiir iyo wax ka sareeyaba, waxa looga dhigay ku-xigeen, kii waxmagaradka ahaa, ee maalintii dhowayd cartamaayay, ee intuu ciidamada ka soo urursaday Buuhoodle iyo Saaxdheer, yiri waxan ku duulayaa, oo xoraynayaa Taleex!!! Ee aqoon daro iyo is mahadin awgeed, sababi gaadhay dagaal sokeeye sokeeye, oo ay ku hoobtaan in badan shacabka Dhulbahante ah, siiba dhalinyaro badan, oo xaabo looga

Dhigi lahaa dagaal sokeeye sokeeye, marka miyaan Dhulbahante markasta la horboodsiinay, waxmagarto danaystayaal ah, iyo isla wayn doora wayn. Hadaba websitekaa ku-shubada ah, oo la yidhaahdo Boocame.com, wuxuu waraysi ka qaaday Jaamac Xasan Khaliif, waxayna ka rabeen in uu ku taageero G6 rabitaankooda guracan, ee maanta Dhulbahante kala fogeeyay, oo sidooda yidhaahdo shirka Taleex waa

Dhacayaa iyo cidna loo joojin maayo, waa la xoraynayaa Taleex, Puntland baa nagu soo duushay, Garowe baanu weerarynaa iwm, oo ah hadalad ma dhalayska ah, ee bilaa micnaha ah, ee waxay kala fogayaan maaha ee, aan waxba isku soo dhowaynayn, ee aynu ayaamahan uga baranay G6 iyo taageerayaashooda jidbaysan, ee indhaha iyo dhegahaba la’, bal se Jaamac Xasan Khaliif, mid taas ka

Duwan, wuxuu sheegay xaqiiqada ka jirta deegaanada Khaatumo, iyo khaladaadka ay G6 hada iyo horeba, uga galeen deegaankooda iyo shacabkooda, iyo inaan halkii markii hore laga bilaabay, hada suura gal ahayn, in dib loogu noqdo,oo laga soo bilaabo, wuxuuna u soo jeediyay G6 iyo shacabka Khaatumoba, talooyin dhaxal gal ah, oo haday maalintaas G6 iyo taageerayaashoodu, qaadan lahaayeen

Talooyinkiisa, aanay maanta jirteen buuqa, jaahwareerka, isku dhex yaaca iyo weji-gabaxa, ay ku sugan yihiin, hase yeeshee wixii Allaah talada seejinaayo, daacad daradooda awgeed, ayaa iska sidaa ah ee, markii uu u cuntami waayay warkiisu, kuwii waraysanaayay Jaamac Xasan Khaliif, bay waxay ku bilaabeen ilaa waa shufto ee, shimbira waaqlayn iyo anshax xumo oo dhan, iyaga oo korkiisa iyo

Gadaashiisaba isaga il jebinaaya, oo isaga gacan haadinaaya, kii waraysanaayay iyo intii hareera joogtayba, falalka noocaas, oo ah edeb daro iyo anshax xumo,  ka reeban saxaafada ay magaceeda ku adeeganayaan, (halkan ka daawo dhaqan xumada iyo edeb darada odaygaa lagula kacay), Jaamac Xasan Khaliif wuu dareemay edeb darada iyo anshax xumada korkiisa iyo gadaashiisaba ka socata, sida aad

Cajalada ka arki doontaan, hase yeeshee si hufan, oo reer magaalnimo ah, buu isaga indha tiray, umana joojin, ee hadalkiisii iyo talo soo jeedintiisii, buu halkiisii ka sii watay, ilaa iyo dhamaadkii waraysiga. Waxa xusid mudan kan yar ee waraysanaaya, oo ah miskiin iskaga soo ambaday warbaahinta, ma garanaayo waxa ku igbaaray, tiisuuba u liitaa ee, oo waa neefsan kari la’yahayba ee, wuxuu bilowgii, uu

Bilaabmay buuqa ka dhex qarxay Khaatumo iyo Khiyaano, bilaabay in uu dhex dhexaad ka  noqodo khilaafka jira, oo bal uu baadhitaan samayo, oo dhibaatada salkeeda ogaado, wuxuuna sii daayay dhowr barnaamij, oo uu arintaa uga hadlaayay, hase yeeshee waxa ka cawday warbaahinta kale, ee Ku-shubada ah, oo ay xulufo hore ahaayeen, sida horufadhi iyo lasanod, dabadeedna waxay bilaabeen in ay

Maslaxaan, oo xoogaaga ay G6 ku maal geliyaan websiteyadaa anshax xumada iyo fidnadu aafaysay, wax laga siiyo, oo weliba isaga cad wayn lasiiyo, si loo aamusiiyo!! Waxad ka dareemi kartaa waqtiga heshiiskaasu dhacay, mar uu waraysi ka qaaday Prof. Cali Khaliif, runtii waraysigaasu maslaxaad iyo heshiis buu ahaa, hadaad u fiirsato, (halkan ka daawo waraysiga uu ka qaaday Prof. Cali Khaliif), iyo

Iyada oo uu waraysigaa ka dib, bilaabay dar dar cusub, iyo xagjirnimo uu bara dheeraysiiyay Horufadhi iyo Lasanod, taageero indha la’aan ah, oo uu siinaayo G6 iyo taageerayaashooda, oo welib ka sii xagjirsanaan websiteyadii hore arintaa ugu caanbaxay, sida Horufadhi, Lasanod iwm, hadaba sida laygu yidhi ama aad magaca webkiisa ka dhadhansan karto, ninkanu waa Xasan Ugaas, hase yeeshee odhan

Mayo xaalkiisu waa badhi dhokh badhi dhokh!!! Sida websiteya kale oo badan, waayo waa la laaluushay, oo lacagta ayaa ka hadlinaysa isaga, laakiin websiteyada Horufadhi iyo Lasanod, iyaga lacagta ay ka helaan G6, waxaa u dheer iyaga isku dirka Dhulbahante, waa u qadiyada, waayo beelahooda baa SNM ku xidhan, bal u ah gacanta midig, ee ay dhulka Dhulbahante ku haystaan, fiqina tolkii kama jana tago,

Markaa waa in ay Dhulbahante fidno kula dhex jiraan, iyagoo shaadh been ah, oo dhulbahantanimo u gashanaaya! Biyaha hoostoodana ka kaluumaysanaaya, si aanay marna isu afgaran Dhulbahante, xanjada iyaga iyo beelohooda Hargaysa u dhegsanina, ay sideedaa ugu dhegsanaato!!! Alla maxaa Dhulbahante munaafaqad isla dhex humbaalaynayaa, waxaan la dafiri Karin, in badan oo taageerta websiteyadaa, oo

Ku xidhan, in ay jidbadu ka daacad tahay, bal se ay u baahan yihiin baraarug, iyo in ay hareerahooda eegaan, oo indhaha furaan, marka cidii ka mid ah dadkaa u jidbaysan qadiyada G6, websiteyadaa been abuurka iyo fidnada la wareegayana ku xidhan, oo dhamaantood qurba joog ah,waxan kula talinayaa, in ay booqdaan magaalooyinka Hargaysa, Burco iyo Berbera, siiba Hargaysa, oo caasimada maamulkaa

SNM ah, oo ay dadka dhex galaan, oo waraystaan siiba, kuwa ka soo jeeda Khaatumo, wax badan baad soo ogaanaysaan,waxad halkaa ka soo ogaanaysaan, xaqiiqada Dhulbahante qaarkiis iyo munaafaqadooda, waxad soo ogaanaysaan kuwa badan, oo hormuud idiin ah, oo dadka kale ka qayla badan, oo ummada oo dhan Khaatumo ka xigsada, Hargaysana ka ah jilib culusta u adeegta maamulka

SNM, magacyadooda ayaad halkaa ka ogaanaysaan, waa cidii rabta in ay xaqiiqada ogaato, oo wax fahamto, oo indhaha furato, cidii se aan doonaynayn taas, Allaah xagjirnimada indha la’aanta ah, iyo jidbada jar iska xoornimada ah, ha u sii siyaadiyo, waxaad ka heshaana, waxba ha naga siinina, Dhulbahante waxan leeyahay ka digtoonaada websiteyada bela abuurka ah, oo adeegsada kuwa xilkaska

Ah, websiteya xilkas ah, oo ay beeshu leedahay waa jiraan, haba iska yaraadeen ee, waxana ka xusi karaa webka Ceegaag.com, oo ay qoraan dhalinyaro aqoonyahana ah, oo aad u hufan, been abuurka, fidnada iyo isku dirka, dacaayadaha rakhiiska, laaluush cunka iwm, website Ceegaag boos ugama banaana, Ceegaag laba nin, oo walaala ah baa wax ku qora, inta aan ka warhayo, ka dib markaan u bogay miyirka,

Akhlaaqda, iyo edebta saraysa, anshax wanaaga, iyo dhex dhexaadnimada ay ku shaqayaan, taas oo ay kaga duwan yihiin dhamaan websiteyada beesha, waan daba galay, oo waraystay asalkooda, waxana ogaaday in uu aabohood ahaa, aqoonyahan iyo masuul sare, ayna ku soo barbaareen guri wanaagsan, oo ubadka anshaxa wanaagsan iyo edebta lagu baro, dhar magaalo sida loo xidhaa waa fududahay, hase

Yeeshee dhal magaalo sida loo noqdaa waa adagtahay, G6 in markoodii horeba, arintooda niyad wanaagu ka maqnaa, waxad ku garataa dadka reer Khaatumo, intii ugu xumayd, oo Dhulbahante kala dishay,  bay kala baxeen, iskuna xeereen, oo ay ka mid yihiin websiteyadaa ku-shubada ah, ee been iyo fidna abuurka ah. Aan ku noqdo waraysigii Jaamac Xasan Khaliif, qoraalkana ku soo afmeeree, ma ku

dhici karaan websiteyadaa ku-shubada ah, ee been iyo fidna abuurka ah, in ay mar labaad  waraystaan Jaamac Xasan Khaliif, ka dib markii ay saadaashiisii oo dhami rumowday!! Oo ma ka faa’iidaysan karaan khibradiisa, xalka looga bixi karo dhibta iyo khilaafka wayn, ee ay abuureen?!! Anigu maya ayaan qabaa, oo geesinimadaa ma leh!!! Bal se aan eegno.

 

Wabillaahi atowfiiq

Ciise Maxamuud Aadam

almutawaadic@yahoo.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag