Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Waxaa soo Gabgabowbay Ciyarhii Heerka Kowaad ee ka socday Magalada Kismaayo (DAAWO SAWIRO)

Ciyaartaan maanta ka dhacday garoonka kubbada cagta ee  Waamo Stadiom ee magaalda Kismaayo ayaa waxaa ay ahayd mid fiinaal ah islamrkaana ay islaga hor yimaadeen kooxa Kasima iyo Isku-filan ee ka wada tiransan 8 koxood ee heerka koobaad ee kubadda cagta ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ciyaarta oo si dardar ah ku bilaabatay ayaa wxaa ay labada koxood soo bandhigeen ciyaar aad loola dhacay ayadona daawadayaasha labada koxood ay sii xiiso galinaayeen ciyaarta.

Qaybtii kobaad ee ciyaarta aya waxaa Go’al la timi kooxda Isku-filan oo uu dhaliyay ciyaaryahanka weerarka oga ciyaara kooxda isku filan Maxamed Deeq Adiriano

Goalkaas ay leedhaya kooxda isku filan ayaa waxaa ay ku dhamaatay qaybtii kobaad e ciyaarta.

Marka la isku soo laabtay ciyaarta ayaa kooxda Isku-fialn waxaa u suuro gashay in ay dhaliyaaan goalkii labaad oo uu dhaliyay Cabdi Fataax iligeey oo badalay ciyaaryahankii goosha kobaad u dhaliyay Isku-filan.

Waqtigii ciyaarta loogu tala galay ayaa wxaa ay ku soo dhamaatay labo iyo eber oo afka ciida loogu daray kooxda Kasiima ee xaafada Calanleey ka socotay.

Intaas ka dib waxaa koobkii Horyaalka kooxa Heerka kobaad la gudoonsiiyay kooxda Isku-filan waxaana madashaas ka hadlay gudoomiyaha xiriirka kubbada cagta ee gobolka jubbada hoose iyo waliba gudoomiyaha Olompicada Gobolka  Cabdi Xassan Siyaax Saanjo.

DAAWO SAWIRADA:

Ceegaag Online-Kismaayo

 

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag