Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Waxaa magalada kismaayo soo gaaray Masuliyiinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubbland ee JCCI

Wafdigaan ka socday rugta ganacsatada iyo wershedaha Jubba Land ee JCCI oo uu hoggaaminaayey guddoomiyaha JCCI Xaaji Yaasiin Jaamac ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo iyadoo ay halkaasi kusoo dhoweeyeen dadweyne ay qayb ka ahaayeen ganacsatada magaalada Kismaayo iyo saraakiil katirsan maamulka Jubba.

Wafdiga oo mid kamid ah diyaaradaha rakaabka kasoo raacay magaalada Nairobi ee xarunta Kenya ayaa abaarro 2-dii iyo barkii duhurnimo soo gaaray garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Shaafi Raabi Kaahin wakiilka JCCI ee magaalada Kismaayo oo isaga qudhiisu kamid ahaa wafdiga ayaa la hadlay saxaafadda waxaana uu wafdiga kusoo dhoweeyey magaalada Kismaayo.

Intaasi kadib ayaa Guddoomiyaha rugta ganacsiga iyo wershedaha Jubba Land ee JCCI Xaaji Yaasiin Jaamac oo wafdiga hoggaaminaayey waxa uu faah faahin ka bixiyey ujeedada safarkooda Kismaayo, sidoo kale waxa ay booqasho ku tageen Dakada Weyn ee magalada kismaayo.

Rugta ganacsiga iyo wershedaha Jubba Land ee JCCI oo inta badan bixisay kharashaadkii ku baxay shirkii lagu dhisay maamulka Jubba ayaa iminka qorshaynaysa in ay adeegyo badan oo dhanka horumarinta ah ka fuliso deegaanka Jubba Land sida uu yeeshay Guddoomiyaha JCCI Xaaji Yaasiin Jaamac.

Fillo Goordhow sawirada.

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag