Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wasiiru-dowlihii hore ee DKMG, Mudane Maasheeye ‘Xuduudaha la sheeigayo Ingiriis iyo Talyaani bay u dhaxeeyeen ma ahayn xuduudo Soomaali u dhaxeeyay, Ingiriiskii iyo Talyaanina way guureen, wax Somaliland la yiraahdo oo aduunku icturaafayo ma jirto’

Wasiiru-dowlihii hore ee DKMG, Mudane Maasheeye‘Xuduudaha la sheegayo Ingiriis iyo Talyaani bay u dhaxeeyeen ma ahayn xuduudo Soomaali u dhaxeeyay, Ingiriiskii iyo Talyaani way guureen, wax Somaliland la yiraahdo oo aduunku ictiraafayaa ma jirto’

Wasiiru-dowlihii hore ee Dowladii KMG Mudane Xaamud Cali Maasheeye oo ka soo jeeda Maamul Goboleedka Awdal State kana mid ahaa xubnihii lagu casumay xafladii Khaatumo State ee lagu qabtay Minnesota ayaa khudbad qiimo leh ka jeediyay madashii shirka oo ay ka soo qeyb galeen boqolaal kun oo ka mid ah shacabka reer Khaatumo iyo xubno sharaf Soomaaliyeed oo lagu casumay.

 

 

Mudane Maasheeye wuxuu ku dheeraaday ahmiyadda ay Khaatumo u leedahay umadda soomaalyeed, hadaladiisiina waxaa ka mid ahaa ‘Anigu marna ma taageerin Somaliland, waxaan u haystaa inay tahay taariikh aad u fool xun oo dadka dega goboladda SSC iyo Awdal ku dhacdeen intii soomaali jirtay, Aduunkana been baa loo sheegaa wax somaliland la yiraahdaa oo aduunka soo martay ma jirto, dhulkaas Ingiriis iyo Talyaani baa heystay, markaanu Xamar joogay nin baa hadlay oo wuxuu yidhi ‘Xuduudaha la sheegayo Ingiriis iyo Talyaani bay u dhaxeeyeen, ma ahayn xuduudo soomaali u dhaxeeyay, Ingiriis iyo Talyaani way guureen, wax Somaliland la yiraahdaa oo aduunku ictiraafayaana ma jirto’.

 

Mudane Masheeye oo ka hadlaya xidhiidhkii u dhaxeeyay shacabka Khaatumo iyo Awdal State wuxuu yidhi ‘Waxaa jiray xidhiidh qadiim ahaa oo u dhaxeeyay labadda shacab, taasoo lagu doonayay in umadda soomaaliyeed lagu mideeyo oo aan la kala qeybin, labadda shacabna waligood geesiyaal ayay ahaayeen wayna la dagaalameen kala qob-qobka dalka Soomaaliya, 1960 kadib waxaa qaatay magaca ‘Jamhuuriyada Soomaaliyeed’.

 

Mudane Maasheeye oo ka hadlaya wada hadalka bisha May ka furmaya London, wuxuu yidhi ‘waxaan maqlayay Somaliya iyo Somaliland baa wada hadlaya, wadahadalkaas waxaa ku hoos qarsoon laba isku mid ah baa wada hadlaya, waxaa ku hoos qarsoon dadka waqooyiga degaa Hargeysa ha laga xukumo, waxaa ku hoos qarsoon in kheyraadka wadanka la siinayo beelaha dhexe ee Somaliland loo gacan galiyo si dadka kale loogu gumeysto, taasina waa hababka wadamadda lagu kala jaro, waxaa la odhanayaa meel isugu kaalaya oo wada hadla, kadibna waxaa la odhanayaa Federaal ku heshiiya mudo kooban oo 5 sanadood ah, hadhowtana qaata xukun KMG, kadibna waxaa loo qaadayaa afti beeneed, wadahadalkaasna waxaa ka muuqda in wadanka Soomaaliya la kala jarayo’

 

Isagoo hadalkiisii siiwata wuxuu yidhi ‘Hadii la doonayo in la wadahadlo oo Soomaali laysu keeno, ma rabno in wax laysu qariyo, 1991 markii dowladii Soomaaliya burburtay waxaaa dhacday in la yiraahdo ciidamaddii Xooga Dalka Soomaaliyeed ee Goboladda Waqooyi ku sugnaa hubkooda ha ku wareejiyeen kooxdii falaagadda ahayd ee SNM, waad ogtihiin wixii burbur iyo dagaal sokeeye ee ka bilowday, waana tii soomaali oodhan isku laysay wadahadalkana hadii aan la

qeexin oo aan shacabka goboladda waqooyi dega aan la tixgalin waxaa dhici karta colaad hor leh oo ka daran tii 1991.

 

Maxamed Jama

inasugaal@hotmail.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag