Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wasiirka Warfaafinta Dalka iyo Mas’uuliyiin Kale Oo Booqday Caruurta Ay Ka Geeriyaatay Marxuumad Hindiya

Muqdisho Dec 07, 2015 (Ceegaag) Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudaneMaxamed Cabdi Xayir Maareeye,Wasiiru dowlaha Wasaaradda Warfaafinta Dalka Maxamed Cabdi Xasan Beekoos, Wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Xukuumadda Soomaaliya,Xildhibaanno, iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta booqday hooyga ay ku noolyihiin caruurta ay ka geeriyootay Marxuumad Hindiya oo Khamiistii la soo dhaafay ugu geeriyootay waxyaabaha qarxa oo dhagar qabayaal ay ugu soo xireen gaarigeeda.

Guriga mas’uuliyiintaasi ay booqdeen ayaa waxa ay ku soo arkeen caruur hooyo iyo aaba la’aan ay dhigeen manaxayaasha Al Shabaab, waxaan la joogay dad u badan haween oo ay ka muuqatay murugo, waxaana mas’uuliyiinta ay la qeybsadeen murugada, iyagoo sheegay in ay ka xunyihiin waxa dhacay, waxaana caruurtaasi hadda gacanta ay ku heyso hooyada dhashay marxuumad Hindiya Allaha u naxariistee.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo mas’uuliyiinta la socotay ayaa sheegay in ay ka wada xunyihiin geerida Allaha u naxariistee Marxuumad Hindiya iyo Marxuum Liibaan Cali Nuur oo  labaduba u dhintay Qaranka Soomaaliyeed kuna baxay gacanta argagaxisada Al Shabaab, Waxaana uu xusay in Dowladda ay la socdon doonto caruurtan oo waalidkoodu ay u dhinteen.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply