Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wasiirka Socdaalka iyo dhaqanka dalka Canada oo Shahaado Sharaf gudoonsiiyay Gudoomiyaha SCERDO Bashir Xaaji Cali (Jamaal).

Guddoomiyaha guddiga fulinta  ee hay’adda waxbarashada iyo horumarinta reer miyiga ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano SCERDO ayaa ku guuleystay Shahaadada Sharafta loo yaqaano  “Paul Yuzky Award 2013”  oo sanadkiiba hal qof la gudoonsiiyo wadankan Canada. Shahaado sharaftan ayaa waxaa sanadkiiba mar bixiya wasiirka Socdaalka iyo dhaqanka ee dalka Kanada Hon. Jason Kenney iyadoo lagu qiimeeyo qofka la siiyo howlaha shaqo ee uu uqabto bulshada kala duwan ee dalkan Kanada.

Xaflad Bashiir Xaaji Cali (Jamaal) lagu gudoonsiiyay shahaado sharaftan ayaa waxaa lagu qabtay xarunta SCERDO ee magaalada Edmonton iyadoo ay kasoo qayb galeen xildhibaano ka tirsan gobolka Alberta, Madaxda dowladda dhexe ee Dalka Kanada iyo ta degmada Edmonton-ba.

Waxaa xaflada khudbad qiimo badan ka soo  jeediyay  wasiirka Socdaalka iyo dhaqanka dalka Kanada Mr. Jason Kenney oo Bashir Xaaji Cali (Jamaal), hay’adda SCERDO  iyo waliba shaqaalaha SCERDO ku ammaanay waxqabadka ay muujiyeen tan iyo intii la aasaasey Hay’ada SCERDO iyadoo si gaar ah  uu Wasiirku Bashir ugu amaaney sida uu u caawiyo  dhallinyarada  Soomaaliyeed  ee  dhibaatadu ka  haysato  dhinacyada waxbarashada,  shaqada  iyo  hoggaamintaba. Wasiirka ayaa sidoo kale xusay shahaado sharaftan inay la socoto lacag dhan $20,000 oo dollar taas oo uu Mr. Bashir u doortay  in lacagta la gudoonsiiyo hay’ada SCERDO.

Bashir oo gudoomay shahaado sharaftan lasiiyay ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyay goobta u mahadceliyay marti sharaftii kasoo qaybgashay xaflada sheegayna inuu aad iyo aad ugu faraxsanyahay inuu ku guuleystay shahaado sharafta Paul Yuzky Award ee sanadkan 2013.

Dhinaca kale Bashiir Xaaji Cali (Jamaal) ayaa ka mid ahaa 30 qof oo ku guulaystay billadda dheemanka ah (Queen’s Diamond Jubilee Medal ) sanadkii hore ee 2012 biladaas oo ay bixiso boqoradda Ingiriiska Queen Elezebeth II. ayaa sidoo kale Mr Bashir Xaaji Cali (Jamaal) sanadkan noqdey shaqsigii ugu horeeyay ee asal aahan kasoo jeeda Qaarada Afrika oo ku guuleysta shaahado sharaftan Paul Yuzky Award.

www.ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag