Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee dowladda federaalka Soomaaliya oo si diiran loogu soo dhaweeyay Edmonton.

Magaaladda Edmonton ee caasimada gobolka Alberta Canada ayaa waxaa xalay soo gaadhay Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee dowladda federaalka Soomaaliya mudane Mohamed Abdullahi Salat (Oomaar).

Wasiir Oomaar ayaa waxaa VIP-da garoonka diyaradaha ee Edmonton sidiiran ugu soo dhaweeyay Jaalliyada Soomalida ee magaalada Edmonton.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee dowladda federaalka Soomaaliya mudane Mohamed Abdullahi Salat (Oomaar) ayaa loo galbiyay Marriott hotel oo ah halka loogu talagalay isagoo Jaaliyadda Soomaliyeed ee ku dhaqan galbeedka Canada u sheegay in habeenimada sabtida ee bisha December tahay 23 uu kulan guud la qaadan doono.

www.ceegaag.com


Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply