Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Heshiis Dhanka Duulimaadka ah Oo ay Wada Galeen Soomaaliya Iyo Qatar

Wasiirka gaadiidka Duulista Hawada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay heshiis dhanka duulimaadka ah oo ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo dowlada Qatar, isagoo sheegay in heshiiskani uu la xiriiro dhanka Duulimaadka ah.

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Cali Axmed jaamac Jengeli ayaa sheegay in heshiiska dhinaca duulista hawada ee ay kala saxiixdeen Dowladaha Qatar iyo Soomaaliya uu suura gelin doono in diyaarada Qatar Airways ay duulimaadyo toos ah ku timaado Muqdisho iyo Doha.

Wasiirka Duulista hawada ee Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in Heshiiskaasi uu yahay mid muhiimad ugu fadhiya Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay hishiiska ay wada gaareen Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar uu goob joog ka ahaa Ra’isul wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Heshiiska ayaa waxaa qeyb ka ah in dayuuradda Qatar Airways ay bilawdo duulimaadyo ay ku imaan doonto dalka Soomaaliya iyo in Qatar ay gacan muuqata ka geysato waxbarashada sare si ay uga faa’iideystaan ardayda Soomaaliyeed.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply