Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wasiir Diini “Ciidanka X.D.S waxay u tababaran yihiin dhowrista Xaquuqal Insaanka

Ceegaag. Nov 15, 2015..Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini oo kulan la qaatay u qeyb sanaha Xog-hayaha guud ee QM Arrimaha Xuququl insaanka Ivan simonovic ayaa ka wada hadlay ka hortaga Askareynta iyo u adeegsiga xaaladdaha dagaalka caruurta aan weli qaan gaari. Waxana uu Wasiirka uu sheegay in dawladda Soomaaliya ay mar walba dhowrayso heshiiskii horey ay ula gashay UNICEF ee dhigayay in aan la askareyn caruurta da’doodu ka yar tahay 18.

Mudane Diini ayaa tilmaamay in Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed la baro dhowrista xuquuqda aadanaha waqtiyada dagaalka iyo marka ay jirto xaalad caadi ah. Wuxuuna hoosta ka xariiqay in  muddooyinkii la soo dhaafay qeybaha kala duwan ee Ciidamadda tababarada ay baranayeen ugu horeysay la dhaqanka bulshada iyo dhowrista xaquuqal Insaanka. Wasiir Diini ayaa yiri:

“Waxaa xil naga saaran yahay difaaca Xuquuqal-Insaanka, gaar ahaan ciidamadeena in aysan kamid noqon caruurta da’da yar. Sidaad la socotaan Soomaaliya waxay horey u saxiixday heshiis caalami ah oo dhigaya in caruurta da’doodu ay ka yar tahay 18 aan la askareyn.

“Soomaaliya hadda waa ka gudubtay waqtigii lagu eedeyn jirey ciidamadeedu in ay yihiin caruur iyo wax lamid ah. Dhowr iyo toban sano oo dagaallo sokeeye ay jireen, kadib, maanta waxaan hormuud ka nahay dadka u diyaarsan  dhowrista shuruucda caalamiga ah, gaar ahaan arrimaha xuquuqal insaanka”.

“Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa la baraa shuruucda kala duwan ee dhowridda xaquuqal insaanka, gaar ahaan waqtiyada dagaalka sidaa la socotaan Soomaaliya waxaa ka socda qeybo kamid ah dagaallo u dhexeeya dawladda iyo cadowga Al-shabaab oo adeeggsanaya caruur da’yar waana taa midda aan mar walba ku dhiiri gelino askarteena in ay ilaaliyaan xaquuqda dadka lagu qabto dagaalka”

U- qeyb sanaha Xog-hayaha guud ee QM Arrimaha Xuququl insaanka Ivan simonovic ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Gaashaandhigga dhowrista xaquuqal Insaanka. Wuxuna tilmaamay in Soomaaliya  ay ka soo gudbeyso waqtigii lagu tilmaami jirey mid kamid ah dalalka ugu xad gudubka badan Xaquuqal Insaanka Caalamka.

Kulanka Wasiirku la qaatay Wafdiga Q/Midoobey ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Haweenka iyo Marwo Sahra Cali Samatar iyo Wasiirka Caddaaladda Cabdullaahi Axmad Jaamac Ilka-jiir.

C360_2015-11-14-11-34-03-983 IMG_kcz6by IMG_-swoefh received_1114284951917327

–DHAMMAAD—-

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply