Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Warqad Furan oo ku socota Raysalwasaare C/Wali: Gen. C/Qaadir Cali Diini oo dawladnimada Soomaaliya Doondoonaso

Ilaa intii xilka laga xayuubiyay Sareeyo Guuto C/Qaadir Cali Diini, waxaa isa soo tarayay dhibaatada ay ku hayaan shacabka kooxda Al-shabaab. Arintan oo maanta u eeg inay si toos ah uga bilaabantay Muqdisho. Waxaan kula talinanaa Raysal wasaaraha dalka inuu dib ugu soo celiyo ciidamada General Diini oo dabada kaga jiray dabargoynta kooxda Argagixisada ee Shabaab.

Waxaa cad sida wax u socdaan in haatan ay faraha ka baxday awoodii Dawlada Soomaaliya iyada oo culaysyo waawayn laga saaray dibada iyo gudahaba oo cadowga Soomaaliya ku guulaystay inay ku qasbaan inay dawladu iyadu baalasha is rifto kadibna hada larifayo iyadii.

Akhristoow ma haysaa goob danbe oo laga xoreeyay Al-shabaab ama goordanbe oo laga guulaystay ilaa intii shaqada laga caydhsaday General Diini!!! kadib markii laga baqay inuu dalka ka sifeeyo Al-shabaab oo ah aalad ladoonayo in Soomaaliya lagula wareego.

Raysalwasaare Cabdiwali noosoo celi Generaalkan, Ciidanka u dhiib rag ciidana ama Ciidan Soo ahaan jiray. dalkana ka badbaadi Al-shabaab iyo Afrikaanka u heshiiyay oo Diini ku soo celi Ciidanka, bilowna inaad Ciidamo kasoo qorto dalka inta Soomaalinimada Ogol.

Wakhtigu wuu is gurayaa si aan adigana hadii shaqadaadu badato oo midho dhal noqoto aan lagaaga takhalusin samayso dad Soomaaliya u diirnaxaya oo doonaya ina dalku dawladnimo helo balse aan lugooyo iyo hagardaamo aan kula joogin dadka iyo dalka.

Ceegaag.com

 

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply