Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

WARIXIN: Heerarkii Kala Duwanaa ee uu Soo Maray Sportska Goblaka Jubbada Hoose

Gobolka Jubbada Hoose oo xilliyadii beri samaadkii kamid ahaa gobolada ugu horumarsan dhanka sportiga isla markaana aadka looga cabsan jiray ayaa muddooyinkaan waxaa laga dareemaayey horumarro dhanka sportiga ah

Inkastoo bur burkii dalka oo dhan saameeyey wixii ka dambeeyey sanadkii 1991-dii ayaa hadana gobolka Jubbada Hoose waxaa u sii raacay dagaallo iyo kala qoqob dheeraad ah taas oo keentay in xarunta gobolkaasi ee magaalada Kismaayo ay noqoto meel lagu loolamo gacan ku haynteeda.

Loolanka iyo hardanka ka jiray gacanta ku haynta magaalada Kismaayo waxa uu dhulka la galay dhamaan kaabayaashii ka jiray gobolka oo uu sportigu kamid yahay, dhibaatooyinka kale ee laga dhaxlay bur burkaasi waxaa kamid ah in magaalada Kismaayo oo xilligii berisamaadkii ahayd caasimadda saddexaad ee dalka aysan hadda u qalmin booskaasi kadib markii ay la kulantay dib u dhacyo aan kala joogsi lahayn.

26-dii bishii November ee sanadkaan gobolka Jubbada Hoose waxaa ka dhacay isbedel dhanka maamulka Sportiga ah waxaana Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee gobolka loo doortay Burhaan Maxamuud Xassan Kukuuyo kaasi oo 1-dii bishaan December soo dhamaystiray guddiyada sportiga ee gobolka.

Wixii ka dambeeyey dhismaha maamulka cusub ee Sportiga gobolka waxaa meesha ka baxay is qab qabsi badan oo ka dhex jiray gudiyada, waxaana gobolka laga dareemay dhaq dhaqaaqyo lagu horumarinaayo Sportiga kuwaasi oo uu hormuud u yahay Guddoomiyaha cusub.

Maamulka Sportiga oo aan markii hore lahayn xafiisyo loogu hagaago oo ay ku shaqeeyaan hadda waxay xafiisyo kala heer heer ah ku leeyihiin xarunta degmada Kismaayo halkaasi oo ay ka howl galaan.

Howlaha isbedelada ah ee uu qabtay maamulka Sportiga gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa kamid ah in ay agabyo kala duwan oo ay kubaddo kamid yihiin u qaybiyeen degmooyinka gobolka Jubbada Hoose, kooxo yar yar oo ka dheella xaafadaha magaalada Kismaayo iyo daladda waxbarashada gobolka Jubadda hoose ee Jeen oo la guddoon siiyey agabyo sports kuwaasi oo loogu talagalay in ay xilliyada fasaxa ku ciyaaraan dhalinyarada iskuulada.

Dad badan oo falanqeeya arrimaha sportiga ayaa ku taliyey in lasii wado dadaalada lagu horumarinaayo sportiga gobolka Jubbada taasi oo haddii lasii wado mustaqbalka gobolka kusoo celin doonta heerkii uu ka taagnaa sportiga Soomaaliya.

Sikastaba gobolka Jubbada Hoose oo haysta 8-koob oo kamid ah kuwii gobolada Soomaaliya ee xilliyadii beri samaadkii ayaa waxaa lagu tilmaamaa halyeygii Sportiga Soomaaliya, hase yeeshee su’aasha meesha taalla waxay tahay gobolku masoo ceshan karaa booskaasi horay uga lumay?       `

Ceegaag Online

Kismayo-Somalia

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag