Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Warbixin Xiiso Badan: Yaa ka Danbeeya Dagaalada ka socda magalada Kismayo….

Waxay magalada kismay- oo ah magaalo madaxda Gobolka Jubbada Hoose- ka socda mudo Afar cisho ah Dagaalo qorsheesan.

Arimaha meesha yaal oo in  la’isweydiiyo mudan waxaa ka mid ah, Yaa soo magaleegay dhibkan manta magalada Kismaayo ka taagan? Iyo Maxaay tahay danta ugu jirta in aay isku dhacaan qaar ka mid ah Beelaha wallaalaha ah ee wada daga Jubbada Hoose Kismaayo?

Hadaba aan ku horreeno Dagaalada ka socdo kismaayo waxay u dhaxeeyaan qaar kamid ah ciidamada daacada u ah Bare Aadan Shire Bare Hiiraale iyo Ciidamada sida khaas ka ah aay isku duwatay Dowlad Gobaleedka Jubba Land,

Qasaaraha la’ogyahay tan iyo intii uu dagaalka bilaabmay labada dhinac ay ka dhaxeysay dirirtu waxaa ka dhintay 11 Tiro intaa ka badana waxay jiifaan Goobaha caafimaad,

Waxaa intaa daba socday Miinooyin loo dhigay Ciidamada Kenya iyo Ciidamada Siriliyoon

Isku soo wada duuboo waxaa ciidamada Amisom ka dhintay 9Qof iyo dhaawacyo 3Qof ah waxaa kaloo jiray labadii Gaari oo ay Miinadu la kacday in aay basbeeleen.

Markaan xog aruurin badan sameeyay waxan ogaaday in aay jiraan waxyaabo badan oo ay saxaafadu iska indha tiraayso Filimka ka socda Magalada Kismayo.

Waxaa jira in aay sicad uga biyo diideen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isal wasaare Saacid Maamul Gobaleedka looga dhawaqay Gobalada Jubbooyinka,

Dhanka kale Madaxweynaha Jubba Land Axmed Maxamed Islaam Axmed Madowbe waxa uu ku maqanyahay midkamid ah Dowladaha Siyaasad ahaan faraha kula jira Soomaaliya si loo aqoonsado Dowlada uu hogaanka u hayo,

Taa badalkeed waxa ay Dowlda Soomaaliya usoo dirtay magaalada Kismaayo Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin kale oo Kismayo ku lugleh,

Wasiiradii iyo xildhibaanadii aay gabi ahaanba ku fashilmay Qorshihii aay Dowlada u soo diratay Magalada Kismayo aygoo iskaga duulay Magalada Kismaayo,

Waxaa magalda ku soo haray Xildhibaan ka tirsan Doowlada Soomaaliya Sheegtayna in uu yahay Madaxweynaha Jubba Land kasoo ah Coll: Bare Aadan Shire Bare Hiiraale iyo Ciidamo uu iska soo horamariyay Coll: Cabaas oo asagana magaalda soo gaaray Shan cisho ka hor,

 

Labadan nin ayaa sida la’ogyahay waxa ay Dowlada Soomaaliya usoo xil saartay in aay Kismaayo gacanta Dowlada soo galiyaan,

Coll: Cabaas ayaa loo soo magacaabay Taliyaha Ciidamada ee Gobalada Jubbooyinka,

Waxaa laga soo diray Magaalo madaxda Dalka Soomaaliya Muqdisho, Coll: Cabaas waxana loo soo dhiibay Lacagihii lagu fan gareen lahaa Ciidamada aay Dowlado isku duwanayso,

Qaar kamid ah lacagihii uu waday Coll: Cabaas waxa uu siiyay Siyaasiga Cusub Iftiin Xasan Baasto ahna siyasiyiintii isku magacaabay in aay yihiin Madaxweeynayaal,

Islamarkiiba Coll Cabaas ayaa ka bilaabay hawlgalo balaara gudaha Kismaayo, ciidamada Kenya ayaa ogaaday Qaska uu kawado Magaalada kismaayo waxayna u taxaabeen xabsi kuyaal Wajeer,

Ugu danbeentii qaska kismaayo ka taagan oo ayeed mid diyaarsan Dowlada Soomaaliya danta aay kaleheed ay ahayd in aay san haba yaratee aay san dagin ama aaysan dowlad Gobaleed yeelan Jubbooyinka, aydoo ay fashilkii ugu xumaa kala kulantay Kismayo….

 Office Ceegaag Online

Kismayo-Somalia

 

 

 

 

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag