Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Warbixin & Sawiro:Chelsea oo rikoor Cusub u dhigtay Yurub

Terry, Hazzard ma ciyaarin Benites-na kuma qanacsana taageerayaasha Chelsea, hadana Chelsea waxay cawada noqotay Naadiga Horyaalada Europa League.

Naadiga reer Britain ee Chelsea ayaa naadiyada Yurub taariikh u dhigtay, kadib markii ay Cawada ku gulleysatay koobka 2aad ee ugu weyn Yurub, iyadoo naadiga reer Burtugal ee Benfica kaga adkaatay 2/1.

Ciyaartoyda labada naadi, ayaa garoonka soo galay, iyadoo koox walbana uu hamigeedu ahaa ineey ku guuleysato koobka dhirirka badan ee Europa League, daqiiqadihii ugu horeeyay ee Ciyaarta waxaa fag fag garoonka lasoo galay Ciyaartoyda naadiga Benfica, inkastoo Oscar uu darbo xoogan daqiiqadii 27aad ku tuuray goolka Benfica.

Daqiiqadii 38aad ayaa hogaamiyaha Chelsea Lampard uu darbo xoogan ku tuuray Goolka Benfica, taasoo gool loo filan karay laakiin uu goolhayaha banaanka u saaray, sidaas ayaana qaybtii hore lagu kala maray bilaa gool la’aan.

Daqiiqadii 60aad ee qaybtii 2aad ee Ciyaarta, ayaa kooxda Chelsea waxaa u suurtagalay ineey helaan goolkooda qaad, kadib markii uu wiilka reer Spain Fernando Torres uu si xirfadeysay kubadda ula dhaafay daafaca Benfica iyo Goolhayaha kadibna uu shabaqa ku hubsaday.

Kadib 7 daqiiqo goolka Torres, kooxda Benfica waxay heleen kubad gool ku laad ah, kadib markii uu gacanta ku taabtay Ezbalcueta xerada diilinta, waxaana kubadaas gool u badalay Cardozo ciyaartana ka dhigay 1/1/

Ciyaarta ayaa waqtigii loogu talagalay kusoo idlaatay 1/1, waxaana lagu daray 3 daqiiqo oo dheeri ah, laakiin nasiib wanaag kubad koorno ahayd oo uu soo laaday Mata, ayaa waxaa madaxa la helay Ivanovic kana dhigay ciyaarta 2/1.

Hadaba Chelsea oo sanadkii hore qaatay koobka Champion League, ayaa cawadana la hoyatay koobka Europa League, waana rikoor Cusub, oo aysan weli horay u dhigin koox Yurub ka tirsan.

ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag