Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

WARBIXIN: Maxaad kala Socotaa Qarixii Hotel Shaamow ee lala Beegsaday Ardaydii Qalin Jabinaysay

Maanta oo ah 3 bisha december waxay ku beegan tahay sanad guurada 5aad ee ka soo wareegtay dhacdadii waxyeelada badneyd ee ka dhalatay qaraxii ka dhacay gudaha Hotel Shamow oo lagu qabanayay xaflad caaqibo badan oo ay dhiganayeen arday ka qalin jabiyay kuliyado ka tirsan Jamaacadda Banaadir ee gobolka Banaadir.

Qaraxaas oo murugo ku beeray Ummada Soomaaliyeed ayaa waxaa fuliyay nin la rumeysan yahay inuu ka yimad dalka Denmark kaas oo masuuliyiin ka tirsan Xarakada Alshabaab oo Marka iyo Kismaanyo ku sugan ay ku amaaneen falka uu ku dhaqaaqay walow aysan xarakadu si toosa u sheegan masuuliyada qaraxaasi.

Holkii uu qaraxu ka dhacay ayaa isku badalay mid farxadii ka guuray oo dhiigu qulqulayo , hilbaha dadkii qaraxu asiibay ayaa ku firdhaday goobta ay ka dhaceysay munaasabadaasi ka xuub siibatay sidii loogu tala galay.

Qaylo iyo ooyin caawin raadisa ayaa mar qura la maqlay , Dadkii qaraxa ka badbaaday ayaana bilaabay inay ayagoo argagaxsan raadiyaan asaxaabtoodaa ay farxada ku ogaayeen laakiin cadawgu u soo dhuuntay.

Dad gaaraya  30 qof oo ay ku jireen wasiiro laf dhabar u ahaa dowladii KMG ahayd ee Soomaaliya , dhaqaatiir , aqoonyahano iyo rag ka tirsan bahda saxaafadda ayaa ku naf waayay goobtaasi , halka tira kale oo qaarkood ay dib ka geeriyoodeena ay dhawaacyo ka soo gaareen.

Waalidiin sugayay ubadkii ay ku tiir iyo tacab beeleen oo shahaadooyin wata ayaa miir beelay markii ay maqleen in ubadkoodii si xaqdara ah loo gumaaday , haween badan ayaa dhulka isku garaacay kuwaas oo aakhirkii garawsaday inaysan soo noqon doonin dadka ay ilinta u qubayaan.

Prof Maxamuud Dufle oo ka mid ah Barayaasha Jaamacadda Banaadir ayaa khubad jeedinayay xiliga uu dhacayay qaraxa , hadalka Barfosoorka oo socda ayuuna dhacay qaraxa badalay jawigii munaasabada.

M/Weynihii Dowlada KMG ahayd ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay mashaqadaas ayaa tacsi uga diray Ummadda Soomaaliyeed Wasiiradii dowlada Ka tirsanaa , Dhaqaatiirtii , Ardaydii qalin jabinayay iyo dhamaan bahda marka la isku soo duubo noqonayay indhaha Ummada ee ku nafwaayay halkaasi.

 

Sheekh Shariif ayaa sheegay in markii ay xilalka qabanayeen ay xisaabta ku darsadeen wax kasta , wuxuuna tilmaamay inuu sharaf iyo cizi ku dhintay qofkii la khaarajiyay asigoo ku guda jira howl uu uma u hayay.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mida Culamidii Soomaaliyeed ee ka hadlay falkaasi qaracanka leh ayaa nasiib daro ku tilmaamay in dad Muslinima sheeganaya ay xasuuqaan walaalahood halka gaalada aan ku diinta ahayn ay muujinayaan inay ka xun yihiin.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka iyo dibadiisa ayaa ka gilgishay arintaasi , fariin cad oo ay jeediyeen ayayna ku xuseen inaysan u baahneen cid kasta oo xanbaarsan fikrad khaldan oo xasuuqa dad aan wax galabsan ku dhamaaneysa.

Maxamed Cabdi Xuseen Madaale ka mida 6 wariye oo ku dhaawacmay qaraxaasi ayaa na xasuusinaya sheeko qaracan leh oo uu ku xusayo inay if iyo aakhiro kala aadeen saaxiibo qaali ah oo ay wax isku hanbeynayeen , kaftan iyo erayo kale oo farxad ka muuqatana ay is dhaafsanayeen.

Fanaaniinta kooxda qayla dhaan ayaa qaaday heesta qayla dhaan oo muujineysa in la xasuuqay dad wax gal u ahaa ummadda , waxayna afka labadiisa la kala qaadeen erayo loogu  yeerayo shacabka Soomaaliyeed ee aan ka war qabin cadawga dajinaya shirqoolada lagu halaagsami karayo.

Dhacdadii 3 december ee lagu xasuuqay dadkaasi aan wax galabsan ayaa noqotay mid lama ilaawaan ah oo qof kasta oo soo xasuustaa uu sawiranayo dad faraxsan oo dhamaashaad ku jiraa iyo hilib bini’aadan iyo dhiig la wareegay goobtii ay hanbalyadu ka socotay.

Halka ay shacabka Soomaaliyeed xusaan Taariikha ifiya ee soo mara maalintaasi waxay ku tilmaami karayaan xili mugdi ah oo qadartu madaxa u saartay dhacdo xanuun badan oo inay kahdaan sababi kareysa.

Ceegaag Online-Kismaayo

 

 

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag