Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Warbixin: Kulankii Boston

Fiidkii ay bisha February ahayd 21, sanadka 2015 ayaa Xarunta Cabral ee Jaamacadda Northeastern waxaa lagu qabtay kulan suugaaneed loogu magacdaray, “Hidde iyo Dhaqan.” Kulankan, oo ay si heer sare ah u soo agaasimeen Ururka Ardayda Soomaaliyeed (SSA) ee Jaamacadda Northeastern iyo naadiga BADSO (Barashada Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed), ayaa waxaa loogu dabbaaldegay afkeenna hooyo.

Kulankan oo ay si talantaalli ah u daaddihinayeen Bilan Axmed iyo Mahad Gudaal, oo ku kala jira Jaamacadda Northeastern iyo Jaamacadda Boston—isla markaasna uu noo furay Mahad M. Cabdi, madaxa SSA—ayaa waxaa lagu maamuusay Alle ha u naxariistee Xuseen Sheekh Axmed Hilowle (Kaddare). Waxa uu Kaddare ahaa buunni na garansiiyay ballaadhnida dhaqanka Soomaaliyeed, oo uu nagu tusay buuggiisa, Waasuge iyo Warsame: Socdaalkii 30ka Maalmood.

Ugu horrayn waxaa madasha ka hadlay Xasan Faarax Warfaa, Guddoomiyaha Samadoon Foundation. Bare-sare Warfaa ayaa xogjeedin kooban kaga warramay sooyaalka af-Soomaaliga, isaga oo diiradda saaray sida ay afafka qalaadi u saameeyeen (oo ula falgaleen). Dhanka kale, dhalinyaradii kulanka ka soo qaybgashay waxa uu Mudane Warfaa kula dardaarmay in aysan sii daynin afkooda (oo ay u bartaan si wanaagsan), maaddaama oo ay iyagu yihiin kuwii aayihiisa lahaa.

Waxa uu yiri, “[Soomaaliya], labaatan sano gudahood, waxay noqonaysaa waddan qani ah. Halkan kuma anfacayso in aad bilaa shaqo ku noqoto adigoo haysta Ph.D. ama Mastar. Waxaa kuu furan, inta aad [dalkii ku] laabato, inaad dadkaagii wax u qabato. Haddii aad af-Ingiriisi keligii ku hadasho, wax ay kaa anfacayso ma laha!”

Axmed-Shukri Maxamed Geelle, oo ah suugaandhaarri ururiya murtida Soomaaliyeed, ayaa sidoo kale is dul taagay muhiimadda ay leedahay barashada af-Soomaaliga. Isaga oo soo qaatay, kana faallooday, gabaygii Ismaaciil Mire ee “Iibse Lacageed” ayaa waxa uu Axmed-Shukri ka warramay in is afgaranwaaga u dhexeeya dhalinyarada iyo waayeelka looga bixi karo wadasheekaysi joogto ah, si “wixii turxaan bixin ah [oo afka ku hadalkiisa khuseeya] meesha looga saaro.”

Waxaa ka dib codlaliyaha lagu soo dhaweeyay Nasteexo Cali, oo ah laashin af-Ingiriiska ku tirisa tixo cud-cuddoon. Tixdii ay madasha ka tirisay oo la dhaho “Dadkayga Badbaadiya” ayaa waxaa af-Soomaali u rogay Idiris M. Cali.* Tani waa hawl, run ahaantii, ka marag kacaysa sida ay u habboon tahay in afkooda hooyana lagu dhegaysto laashimiin badan oo afaf kale ku maansooda. Waa na hawl dardar galinaysa in uu af-Soomaaligu noqdo mid ay dhalinyarada qurbajoogga ihi ku soo hirtaan.

Ka dib waxaa labo khudbo oo “kadis” ah soo kala jeediyay Oday Doolaal iyo Hooyo Luul Yuusuf Suldaan. Waxa uu Oday Doolaal ka faallooday sida ay dhalinyaradii gobannimadoonka Soomaaliyeedi ugu dhaadan jireen afkooda. Isaga oo u riyaaqay sida ay dhalinyaradu u soo abaabuleen kulankan ayaa waxa uu u soo jeediyay in ay yagleelaan rug buugaagta lagu akhristo, oo af-Soomaaliga la isku baro. Ka dib waxaa ereyo waano, duco iyo hogatusaale xambaarsan soo jeedisay Hooyo Luul. “Kolka aad waddankaaga, dadkaaga, afkaaga iyo waalidkaa wanaajiso, dadka kale na way ku wanaajinayaan,” ayay tiri Hooyo Luul.

Intaas ka dib markii lagu yara nastay tix ay meerinaysay Hibo Ibraahin, oo ah xogyaha SSA, ayaa waxaa codlaliyaha lagu soo dhaweeyay Idiris M. Cali, madaxa naadiga BADSO. Waxa uuna guda-galay xogjeedin uu soo diyaariyay oo uu ku falanqeeyay suugaanta uu qofka Soomaaliyeedi dhaxalka u leeyahay, ee leh hees-kooleed, sheekooyin, hal-xiraale, diinley, carrabjalaq, sitaad, hees-hawleed, iyo ciyaaro. Waxa uu Idiris M. Cali si gaar ah xogjeedintan ugu maamuusay Deah Barakat (iyo qoyskiisii), kaas oo labo sano ka hor Twitter-kiisa ku qoray, “Dhaqan Soomaaliga/Suudaanigu waa qurux badan yahay. Sida ay qoysnimada u daneeyaan ayaan cidi u danaynin.”

Ugu dambayntii, kulankan qiimaha leh ee ay dhalinyaradu soo qabanqaabisay waxa uu ahaa mid loo bogay, oo ay dadweynihii ka soo qaybgalay mahadiyeen habboonida in af-Soomaaliga la barto. Sida uu Idiris M. Cali sheegay—mar la weydiiyay sida ay dhalinyaradu u heli karaan waxbarasho af-Soomaali ah—waxaa la joogaa saban waxbarashadu ay meel walba ceegaagto, galshada (internet-ka) aawadeed. Waxaa na la joogaa xilligii ay barayaasha haya xogaha laga barto af-Soomaaliga iyo dadka u dhuun-daloola farsamada casriga ah (ee ku xeeldheer kasmada tubsheelka (computer science)) ay iska kaashan lahaayeen samaynta “apps” (iyo wax la mid ah oo) fududayn kara barashada af-Soomaaliga.

Wabillaahit-Tawfiiq,
BADSO/SCALE & SSA

– – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – –

* Tixdan oo soo baxday 2011, waxa ay ahayd:

Because we did not listen,
Look at what has come to be,
Disaster in the making,
Sounds so piercing,
Ringing out ,”Help me”

Their words have lain upon deaf ears,
Amplify their voices just for us to hear,
The emptiness in their stomach long past the normal gurgle and churn,
Is a decent life something that these children have to earn?
The horror they face each day is unfathomable,
Peace, stability, so far and intangible,

Yet where does this leave us?
Somalia is under a severe famine!
Do we close our eyes and ignore the innocent?
Would Allah, the great, the merciful, the benevolent,
want us to ignore our dying sister and brethren?
No matter if you are Hawia, Daroud or Dir,
In a time of desperation,
Is this really relevant?

So let us stand together and join once again,
With support, love and care only then can we mend,
The broken bodies and spirits of the feeble,
HELP SAVE THE LAND OF POETS!
HELP SAVE OUR PEOPLE!

Af-Soomaali ahaanna waa:

Markaan is dhegaysan weynnay
Bal dhawr sida aan u naallo
Dhibtiyo aafada tarmaysa
Dhawaaqyada laga naxaayo
Dhabtii “i badbaadiyaay” leh

Hadalkoodu dhago awdan buu, kuba dhacaayaaye
Dheeree codkoodaas tixyahay, saan u dhugannaaba
Calooshoodu gaajiyo dhib kale, bay la dhudhuclayn e
Ma u xoogsan karayaa dhallaan, nolol dhammaysaad ah?
Argaggaxeey dharaar nool arkaan, waa mid dhumuc weyne
Nabad dheellitiran bay rabaan, way se dheer tahay e

Dhibtaasi halkay na gaysay?
Abaarta dhulkeenna leeftay
Ma xidha dhaayaha illow baa?
Allahaan naxariis dhabcaalin
Miyaa naga oggol dhib-moogni?
Markay dhabtu sii dhabowdo
Wakhtigu dhiilooyin keeno
Qabiil ma cid baa ku dhaadan?

Dhawaaqiinnoo midaysan
Kalgacal iyo dhabar-adayggiin
Ku kaba lafihii dhantaalmay
Dhulkii maansada badbaasha
Badbaadshoo dhaya dadkeenna!

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply