Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Warbixin ku Saabsan Dhacdooyinka ugu Waaweyn ee Sanadkan ka Dhacay Magaalada Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, waa magaalo leh taariikh dheer islamarkaana ay ka dhaceen isbadallo kala duwan, waxaana lagu tilmaamaa in ay tahay magaalada ugu isbadalka badan ee dalka Soomaaliya, iyada oo ay xusid mudantahay in magaalada Kismaayo ay kamid tahay magaalooyinka dalka ee ay aafeeyeen dagaallada sokeeye.

Magaalada Kismaayo oo ah magaalo xeebeed leh garoon diyaaradeed iyo dakad caalami ah oo ay kusoo xirtaan maraakiib iyo doomo ganacsi, oo soo dejiya shixnado ganacsi oo kala duwan, waxaana badeecooyinka kasoo dega dekedda Kismaayo loo iibgeeyaa gobollo ka tirsan dalka iyo weliba wadamada deriska ah.

Hadaba waxaan haduu rabbi qadaro halkan kusoo koobi doonnaa dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee sanadkan ka dhacay magaalada Kismaayo, iyadoo aan kasoo qaadan doono kuwa aan u aragno in ay ugu muhiimsanyihiin.

Shirkii maamul u sameynta Jubooyinka

Horaantii bishii febraayo ee sanadkan waxaa magaalada Kismaayo si rasmi ah loogu soo wareejiyay shirkii maamul u sameynta Jubooyinka, kaasoo mudo bilooyin ah ka socday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Shirka oo ka furmay xarunta Jaamacadda Kismaayo ayaa waxa kasoo qeybgalay ergooyin kala matalaysay beelaha dega Jubooyinka iyo Gado, waxaana mudadaasi magaalada Kismaayo soo buuxdhaafiyay siyaasiyiin uu damac kaga jiray hogaanka maamulkii la doonayay in la dhiso, aqoonyahanno iyo ergooyin ka kala imaanaysay sedexda gobol ee Jubooyinka..

Imaatinkii COL Barre Aadan Shire (Hiiraale) ee Kismaayo

Iyadoo ay magaalada Kismaayo ka socotay u diyaargarowga doorashada madaxtinimo ee maamulka Jubbaland, ayaa 25, bishii April ee sanadkan, waxaa magaalada Kismaayo soo gaaray xubno uu hogaaminayay COL Barre Aadan Shire (Hiiraale), waxaana kadib imaatinkii Barre Hiiraale uu jawiga magaalada Kismaayo isu badalay mid colaadeed iyadoona durbo la dareemay xiisad colaadeed oo ay sababtay imaatinka siyaasigaasi, waxaana masuuliyiin ka tirsan maamulkii KMG ahaa ee xilligaa ka dhisnaa degmada Kismaayo ay ku eedeeyeen dowladda Soomaaliya in ay dooneysay in ay qal-qal ku abuurto shirkii ka socday xarunta Jaamacadda Kismaayo ee la doonayay in maamul loogu sameeyo Jubooyinka iyo Gado.

Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa noqotay mid cakiran, waxaana sidoo kale maalinba maalinta ka danbeeysa isa soo tarayay musharixiintii dooneysay in ay qabtaan hogaanka maamul goboleedka Jubbaland.

Intaa kadib, dowladda Soomaaliya ayaa marar badan wufuud kala duwan u dirtay magaalada Kismaayo, kuwaasoo isugu jiray wasiiro iyo xildhibaanno,  haseyeeshee masuuliyiinta maamulkii KMG ahaa ee Kismaayo ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay masuul ka ahayd xiisadihii ka aloosnaa Kismaayo, waxaana sidoo kale dhacday in wafdi ka socday dowladda Soomaaliya loo diiday in ay kasoo dagaan garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Doorashadii Sheekh Axmed Madoobe iyo khilaafkii dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba

Iyadoo xaalku uu halkaa marayo, ayaa 15 bishii May, ergadii ku xareysnayd Jaamacadda Kismaayo waxaa codeyn gacan taag ah ay ku doorteen Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) in uu noqdo madaxweeynaha maamulka Jubbaland, haseyeeshee durbadiiba waxaa iyaguna sheegtay hogaanka maamulka Jubbaland siyaasiyiin ay kamid ahaayeen COL. Barre Aadan Shire (Hiiraale), Cabdi Baalleey Xuseen iyo Iftiin Xasan Baasto.

Xaalka magaalada Kismaayo waxa uu isu badalay mid qasan, waxaana bilowday xiisado u dhexeeyay dhincyadii isaga soo horjeeday siyaasadda Jubooyinka, iyadoona mararka qaar ay israsaaseyn gudaha magaalada ku dhexmareysay ciidamo kala taabacsanaa dhinacyadaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in aysan gabi ahaanba aqoonsanayn dhamaan dhinacyadii sheeganayay hogaanka maamulka Jubbaland.

26 bishii Maarso ee sanadkan waxaa magaalada Kismaayo gaaray wafdi ka koobnaa wasiiro iyo xildhibaanno oo uu horkacayay ra’isul wasaarihii hore ee dalka Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), kuwaasoo kulamo la qaatay madaxda maamulka Jubba, wallow shirarkaasi ay kusoo dhamaadeen natiijo la’aan.

25-ka bishii May ee sanadkan, masuuliyiin ay kamid ahaayeen Macalim Max’ed Ibraahim, Afhayeenka maamulka Jubbaland C/naasir Seeraar Maax, Jen. C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Siyaasi Sheekh Max’ed Max’uud Yuusuf (Awlibaax) iyo siyaasiyiin kale oo shir ku qabtay xarunta jaamacadda Kismaayo ayaa si kulul u cambaareeyay dowladda Soomaaliya iyo wafdi ka koobnaa 16 xubnood oo u badnaa xildhibaanno, oo xilligaasi ku sugnaa magaalada Kismaayo oo ay ku eedeeyeen in ay gudaha magaalada ka wadeen abaabul ciidan, waxayna ugu baaqeen wafdigii dowladda ee ku sugnaa Kismaayo in ay si deg deg ah magaalada uga baxaan, waxaana markaa wixii ka danbeeyay cirka isku shareeray khilaafkii dowladda iyo maamulka Jubbaland.

Dagaalkii ka qarxay magaalada Kismaayo

28 bishii June ee isla sanadkan ayaa magaalada Kismaayo waxaa si toos ah uga qarxay dagaal xooggan oo u dhexeeyay ciidamo kala taabacsanaa maamulkii Jubba ee uu madaxa ka ahaa Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) iyo ciidamo kale oo taabacsanaa dhinacyadii maamulkaasi kasoo horjeeday oo uu horkacayay COL Barre Aadan Shire (Hiiraale).

Kadib dagaal socday mudo sedex maalmood ah ayay ciidamadii taabacsanaa maamulka Jubbaland ee uu hogaaminayay Sheekh Axmed Madoobe waxay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta degmada Kismaayo, iyadoo Col Barre Hiiraale iyo ciidamo uu hogaaminayo ay saldhig ka sameysteen deegaanka Goobweyn ee duleedka Kismaayo, halka siyaasiyiin kale oo ka barbardaglameysayna ay isu dhiiben ciidamada Kenya,

Dagaalladii sedexda beri socday ayaaa sababay dhimashada dad ka badan 30 qof oo isugu jiray dhinacyadii dagaalamayay iyo dad rayid ah, iyadoona ay dhaawacyo kasoo gaareen tiro intaa ka badan.

Wixii xilligaa ka danbeeyay waxaa soo ifbaxay khilaaf xooggan oo u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba ee uu hogaaminayay Sheekh Axmed Madoobe, waxaana fashil ku dhamaaday isku dayo badan oo la doonayay in lagu xaliyo khilaafkaasi.

Heshiiskii dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba

Kadib isku dayo badan oo ay sameeyeen dowladaha dariska la ah Soomaaliya sida Kenya iyo Itoobiya ayaa ugu danbeyn lagu qanciyay dowladda Soomaaliya iyo masuuliyiinta maamulka Jubba in ay ku wadam hadlaan magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya, iyadoo shirkaasi ay goobjoog ka ahaayeen madax ka tirsan dowladda Itoobiya, xubno ka socday urur goboleedka IGAD iyo wufuud beesha caalamka ka socotay.

28-kii bishii Aug, ee sanadkan ayay dowladda Soomaaliya iyo masuuliyiinta maamulka Jubba ku kala saxiixdeen magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya heshiis ka koobnaa qodobo dhowr ah.

Heshiiskaasi ayaa qodobadiisa waxaa kamid ahaa:

in magaca maamulka oo markii hore ahaa Jubbaland laga dhigo maamulka KMG ee Jubba, in maamulku uu shaqeynayo mudo laba sano ah kadibna la dhiso maamul rasmi ah, in la qarameeyo ciidamada maamulka, in shirar dib u heshiisiineed lagu qabto magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo iyo  in maamulka dekedda iyo garoonka kismaayo lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya mudo lix bilood kadib.

Heshiiskii Adisababa wuxuu meesha ka saaray khilaafkii u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba, waxaana wejigii labaad ee shirka lagu qabtay Muqdisho iyadoo shirkaasi ay kasoo qeybgaleen dhamaan dhinacyadii isku hayay siyaasadda Jubooyinka, waxaana markale shirkaasi lagu gaaray heshiis.

31, Aug ee sanadkan waxaa magaalada kismaayo soo gaaray wafdi ballaaran oo uu hogaaminayay madaxweeynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud , waxaana si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada iyagoo kulamo la qaatay madax maamulka Jubba.

Dhismihii golaha wasiirada ee maamulka Jubba

7-dii bishii December ee sanadkan ayuu hogaamiyaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) waxa uu ku dhawaaqay ilaa 8 wasiir oo kamid ah 15 wasiir oo la filayay in uu ku dhawaaqo iyo madaxweeyne kuxigeenka labaad ee maamulka Jubba.

Qaraxyadii ugu waaweynaa ee sanadkan ka dhacay magaalada Kismaayo

Tan iyo wixii ka danbeeyay markii ciidamada dowladda, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya ee qeybta ka ah AMISOM oo isgarabsanaya ay magaalada Kismaayo kala wareegeen xoogagga Al-shabaab, waxaa jiray qarax aad u badan oo qaarkood lala beegsaday ciidamada AMISOM, kuwa maamulka iyo qaar kale oo lala beegsaday gaadiid ay leeyihiin dad rayid ah.

Hadaba waxaan halkan kusoo koobi doonna qaraxyadii ugu waaweynaa ee ka dhacay magaalada Kismaayo.

16 Aug, ee sanadkan ayaa gudaha magaalada Kismaayo qarax xooggan lagula eegtay gaadiid uu watay Ugaas C/qaadir Sheekh Axmed, waxaana qaraxaasi ku nafwaayay ugaaska iyo wiil uu adeer u ahaa oo xilligaasi gaadiidka u waday.

Sep 12, ee sanadkan ayaa gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa lala eegtay kolonyo uu la socday hogaamiyaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe), waxaa qaraxaasi ku nafwaayay dad ka badan 15 qof, halka ay dhaawacyo kasoo gaareen ilaa 20 qof oo kale, kuwaasoo isugu jiray shacab iyo askar.

Dilalka qorsheeysan ee sanadkan ka dhacay magaalada Kismaayo

Aalaaba shilalka dhaca waxa ka dhasha khasaarooyin ay ka mid yihiin dhimasho iyo dhaawac, iyada oo ay taa jirto ayaa waxaan halkan kusoo koobi doonnaa dilalkii ugu waaweynaa ee sanadkan ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo.

12 Dec, ee sanadkan ayay kooxo hubeysan gudaha magaalada Kismaayo ku toogteen sarkaal sare oo ka tirsanaa maamulka Jubba islamarkaana lagu magacaabi jiray Jen. Cabdi Madoobe.

14 Dec, ayaa xeebta Calanleey ee magaalada Kismaayo waxa lasoo dhigay meydka AUN farsame yaqaan lagu magacaabi jiray Daahir Dable, kaasoo aan la garanayn cidda ka danbeeysay dilkiisa.

11 Dec, 2013, waxay kooxo hubeysan oo aan heybtooda la aqoon gudaha magaalada ku toogteen AUN Macalim Axmed Raaxeeye oo ka tirsanaa waaxda canshuuraha dekedda Kismaayo.

Horumarka ay sanadkan sameysay magaalada Kismaayo

Waxaa sanadkan  magaalada Kismaayo markii ugu horeeysay mudo ka badan 24 sano laga hirgeliyay kaalimo shidaal, waxaana kaalimahani shidaal ee lagu soo kordhiyay magaalada kismaayo siweyn usoo dhaweeyay gaadiidleeyda gobolka j/hoose.

Shirkado dib uga howlbilaabay magaalada Kismaayo, sida shirkadda takaasida (Kismayo Tax), shirkad biyo gelin doonta xaafadaha magaalada Kismaayo oo lagu magacaabo (Kismaayo Wate Supply) oo xafiis ka sameysatay gudaha magaalada, taasoo la filayo in ay howlgasho.

Ceegaag Online 

Kismayo-Somalia

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply