Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

WARBIXIN: Caqabadaha ku Hareereysan Heshiiskii Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Maamulka Jubba ku Dhexmaray Kismaayo

Waxaa marka hore amaan iyo soo dhaweyn mudan heshiiska dhexmaray wafdigii kasocday DFS iyo madaxda maamulka Jubaland.Heshiiska labada dhinac ku dhexmaray madaxtooyada kismaayo wuxuu ka koobanyahay marka si guud loo eego 2 qodob oo kala ah ka qeybgalka shirka Muqdisho iyo soo xareynta ciidamadii Kismaayo dagaalka looga saaray.

Shirka Muqdisho
Waxay labada dhinac ku heshiiyeen in maamulka Jubaland shirka Muqdisho ka qeybgalo kaaso oo dhici doona 02/11/2013.Maamulka Jubaland wuxuu sheegay in shirkaas ay 150 ergo kasoo qeybgali doonaan 100 ergo ka imaan doonto xagooda 50 ergana ka imaan doonto dhanka dowlada.Shirka intaas oo ergo kasoo qeybgalayso maxay tahay ujeedadiisu; ma shir siyaasadeed oo awooda iyo mamaulka lagu qeybsanayaa mise mise waa shir dhaqameed beelo iyo dad diriray lagu heshiisiinayo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah la tilayaha madaxweynaha dhanka siyaasada wuxuu sheegay in waajibaadka dowlada saaran uu yahay in dadka iska soo horjeedo ay maamulka ka wada qeybgalaan wada dhistaana taas oo macnaheedu yahay in dowladu danaynayso in maamulka iyo awooda loo qeybiyay qolyaha mucaaradka ku ah Jubaland ee kusugan Muqdisho iyo maamulka Jubaland.Maamulka Jubaland wuxuu qabaa in shirkaas aan siyaasad looga hadli doonin balse uu noqon doono mid dib uheshiisiineed oo lagu heshiisiin doono beelihii uu saameeyay dagaaladii Bishii June ka dhacay magaalada Kismaayo.

Arinta soo xareynta ciidanka ku sugan tuulada Goobweyn
Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxay qaabka arintan loo abaarayo.Maamulka Jubaland arintan isku mowqif kama ah.Lataliyaha madaxweynaha Jubaland Cabdiqani Cabdi Jaamac wuxuu sheegay in ciidamadan boqol boqol isu soo dhiibi doonaan hubka laga dhigi doono kadibna la kala saari doono markaa kadibna dib loo howlgalin doono.Madaxweyne kuxigeenka Jubaland Cabdulaahi Fartaag arintaas arin ka duwan ayuu saxaafada ka sheegay wuuna radiyay hadalkii kasoo yeedhay Cabdiqani.

Caqabadaha ciidankan ku xeeran ee in wax la iska weydiiyo mudan ayaa ah

1) Waa meeqa tirada ciidanka ku sugan duleedka Kismaayo? Ma tiro la yaqaanaa mise waa jaantaa rogan?
2) Yaa ciidan loo aqoonsanayaa? Ma ciidankii kamaanga lagu soo tababaray ee Bare Hiiraale ku biiray oo kaliya baa la soo xareynayaa mise cid kasta oo Bare Hiiraale la dagaal gashay ayaa ciidan loo aqoonsanayaa xataa hadii ay yihiin kuwii shacabka ahaa ee qooys ahaanta kula dagaal galay.
3) Maxaa laga yeelayaa maleeshiyaadkii dib kaga soo biiray meelkastaba ha ka yimaadana
4)Ciidamadani hada shabaab ayay la joogaan sidee lagu xaqiijin karaa in shabaabku aysan ciidan ku dhexdarsanin.

Su’alahaas iyo kuwa kale oo badan ayaa ku xeeran heshiiskii labada qodob ka koobnaa ee maamulka Jubaland iyo dowlada ku dhexmaray magaalada Kismaayo,waxaana xaqiiq ah hadii aysan labada dhinac si hoose ulafagurin arimahaas in khilaafkii u dhaxeeyay labada dhinac dib ubilaaban doono.

Ceegaag Online

Xafiiska Wararka Kismaayo.

 

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag