Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Waraysi uu Bixiyay Mudane Daud Maxamed Cumar Bisinle

Waraysi kooban oo aan xalay layeelanay Wasiirkii hore ee Batrolka iyo Macdanta Dowlada Somalia Mudane Daud Maxamed Cumar Bisinle, waraysigan oo ahaa mid maqala waxan ka cudur daaranayna cilad farsamo aawadeed inaynu u rognay qoraal.

Sida aynu wada ognahay Mudanuhu wuxuu kasoo jeedaa Deegaanada SSC, iyadoo badana aragtida siyasada uu dadku ku kala duwanyahay qofba meel kacabiro, iyadoo aysan ka maarmayn is kooxaysi, xisbiyo maamul goboledyo ninba uu jaranjar kaga dhigto hanka siyasadiisu uu doonayo inuu gaaro maahan mid wada qancinkarta dhaman shacab deegaanka uu kasoo jeedo. Waana xeeladaysi uu siyasigu ku qabsado wax uusan keligi qqabsaden ama reerkiisu uqabten,Waxaase muhiim ah siyasigu xisbiguu doono ama maamulkuu doono haku jire deegaankii muxuu u qabtay in lays waydiiyo, waraysigaan waxaan ku waydiinay wax qabadkiisii intuu xilalka hayay iyo ka horba.

Mudane Daud Maxamed  Cumar wuxuu inoo sheegay inaguna waxbadan aynu ka ognahay inuu ka mid aha halbowlayaasha wax barashada deeganada SSC, wuxuu kasoo bilabay Furitaanka uu furay iskuulka caanka ah ee Muuse Yusuf  lascanod, dugsiga Shafici, Dugsiga sare ee Nugal iyo Gateway oo uu lafdhabar ka aha, sidookale Bisinle wuxuu ahaa bud dhigayaashii Jaamacada Nugaa.

Intaasi waa intii ka horaysay intuusan soo gelin siyaasada, wax qabadkiisi intuu wasiirka Qorshaynta Puntland aha wuxuu inoo sheegay.

12 iskuul oo laga dhisay cara dhulbahante, deegaanada kala ah Dabataag, Qorilay, Taleex Tukaraq, Karain, Dan, Kalabaydh iyo degaana kale,

Waxaa la qoday ilaa 12Ban oo waa wayn oo laga fuliyay deegaanada SSC.

Ceelasha  buuhoodle  mid waxay u keeneen  matooro cusub midna waxay usameyen dib uhabayn.

Xiligii abaaraha Ceelkii Awrbogays oo ay repeir gareyen.

Waxaan sidookale waydiiyay xiligii uu aha Wasiirka Batrolka iyo Macdanta.

Waxa jiray kambaniyo 4 ahaa oo si sharcidaro ah heshiis ay ula sogashay Mamulka Somaliland, kuwasoo hawlgal kabilaabayay Ceelkii Holhol iyo xudun ila Boorame, oo aan dhamanba kasaaray, fanka lagu kala furfurayay ama lagu dhibaataynayay

dadka dagan goobaha ay ku yaalan ceelsha ayaa laga qaadayay kambaniyada haday sii joogi lahayena manta lays maba waraysten. 

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply