Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Warar been abuur ah oo sheegaya in Angola laga mamnuucay diinta Islaamka

Warar ay faafiyeen shabakadaha aan beenta ka xishoon ayaa sheegaya in diinta Islaamka laga mamnuucay wadanka Angola oo ku yaala Koonfurta Afrika. Wararkan ayaa waxaa lagu soo lifaaqay Araga Masaajid  Duqoobay oo horay looga bur buriyay wadanka Marooko.

Shabakadaha qoray warkan beenta ah ayaa waxaa kamida “Hindiya iyo Maanta(India Today)” shabakadan ayaa soo xigatay Silver Kuurasa oo ah wasiirka Hidaha iyo Tacliinta ee wadanka Angolo iyada oo qortay inuu hadalkaa ka jeediyay shir ay lahaayeen Xisbiga Talada Angola haya, ‘Jarridadan oo is kadhigasa in ay war ka soo xiganaso Wasiirkaa Silva ayaa sheegay inuu yidhi   ‘inaan markii horaba la sharciyan diinta Islaamka wadankan Angola sidaa awgeen in Masaajidada la xiri doono ilaa amar danbe” waasida ay jariidadaasi qortay e.

Kooxaha warxumo tashiilka ah ayaa arintaa sii buun buuniyay kuna darsaday warar aan jirin iyaga oo wasiirkaa ka been abuurtay adhaahyo kale (Xawaji, Cusbo iyo Basbaas) kusii daray warkaa been abuurka ahaa yidhina Silver inuu Yidhi Islaamku waxa uu kasoo herjeedaa Dhaqankeena Angoolaiyaanka ah.

Shabakada Xagjirta ee Maraykanka “The Blaze” ayaa iyadu warkaa la booday shaacisayna iyada oo soo xiganasa wararkaa been abuurka ah. Shabakada Saxaafada u saaxiibka ah ee “International Business Times ayaa iyadu calaamad su’aal galisay warkan dadka islaam nacaybku ku gaamuray faafinayaan iyada oo ku tilamaantay war aan raad raac rasmi ah lahay oo been abuur ah.

Shabakada warkaa beenta ah qortay waxaa ka mida  OnIslam.net oo soo xiganasa shariidad Nayjeeriyaan ah, iyada oo qortay in jariidadaasi qortay in Hooseey Arwaado Desantoos madaxwaynaha dalka Angola uu yidhi madoonayno in islaamku ku faafo wadan keena balse hadalkaa ayaa waxaa beeniyay dawlada wadanka Angola waa sida ay qortay e.

Ceegaag markay u kuuro gashay Nayjeeriya Today kumaba qornayn adhaahda laga soo xigtay sidoo kale ninka difaacay madaxwaynaha wadanka Angoola isna kuma qornayn Jariidada OnIslam.net arintan oo u eeg been abuur aan sal iyo raad toona lahayn.

Markii aan ka eegnay wadanka Angola US department sida dadku yihiin waxaa ku qoran in wadankaa ay ku nool yihiin 16 Malyan oo Masiixiyiin ah halka dadka Islaamka ahi dhan yihiin 82 ilaa 90 kun oo qof.

Wararkan been abuurka ah ayaa uun ka nixiyay dadka Islaamka ah ee degan wadankaa Angola balse ah kuwo aan sal iyo raad toona lahayn sida Ceegaag kasoo xiganaso Dawlada Angola oo aanu la xidhiidhnay Dublamaasiyiintooda Jooga magaalada Boston iyo Washington DC.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag