Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

War-Saxaafadeed:RW Saacid oo lagu eedeeyay inuu hagardaamo kuhayo heshiiskii Addis Ababa ku wada gaareen maamulka Juba iyo DFS.

WARSAXAAFADEED
Anigoo tixraacaya war ka soo yeeray ra’iisul wasaaraha dawladda federaalka, Saacid Shirdoon, kaasi oo ah hadal xaalad abuur, jilaafayn iyo daba maryayn heshiiskii 27-dii Agoosto lagu gaaray Addis Ababa ee beesha caalamku goobjoogga ka ahayd, waxaan ka digayaa cawaaqibta ka dhalan karta ka bixitaanka heshiiskaasi.
Ra’iisul wasare Saacid, wuxuu dhawr jeer ku celiyay inuu shir looga hadlaayo arimaha Jubbooyinka ku qabanayo Muqdisho, shanta Oktoobar asagoo dafiraaya, iskana indho tiraaya dadaaladii dib u heshiisiineed ee waftigii hogaamiyaha Jubba State, Sh. Axmed Madoobe iyo dawladdu ay wada jirka ugu qabteen magaalada Muqdisho 7 -10-kii Sibtembar.
Sida ku xusan heshiiskii Addis Ababa, qodobkiisa 20aad, waxay ahady laba Isbuuc gudahood in magaalada Muqdisho lagu qabto shir dib u heshiisiineed, kadibna mid kale lagu qabto Kismaayo sidaasi darteed, waxaan cadaynayaa:-
-In shirkii Muqdisho ee 7-10 Sibtembar uu ku soo dhamaaday guul iyo is afgarad
-In intii badnayd dadkii iyo beelihii wax tabanayay ay ku qanceen inay qayb ka noqdaan maamulka cusub ee Jubba iyo nabad ku soo dabaalka dalka
-In sida ku xusan heshiiskii Addis Ababa ay fidsantahay gogoshii Kismaayo, qofkii wax tabanayana uu yimaado si loogu gudbo wax qabad dhab ah
-In sheegashooyinka ra’iisul wasaaruhu aysan ahayn kuwa haad haysta ee ay ku salaysanyihiin xaalad abuuris, waqti dhumin aan u jeedo lahayn, kicin iyo kala gayn bulshada Soomaaliyeed iyo baas abuur
-In ra’iisul wasaaruhu uu faraha kula jiro hawlo saacidaaya kooxaha nabaddiidka, waxna u dhimaaya nabadgaliyada gobolka, dhaawicina kara wadashaqaynta dawladda iyo Maamulka Jubba State
-In, ka Jubba State ahaan aan dhawrayno, ixtiraamayno heshiiskii Addis Ababa, sidoo kalana loo baahanyahay in madaxda dawladda federaalku dhankooda dhawraan, hadii uu qof ku tagri falo masuuliyadda uu hayana ay muhiimtahay in lagula xisaabtamo
-In talaabo kasta oo lagu carqaladaynaayo habsami u socodka iyo hirgalinta heshiiska Addis Ababa ay tahay maslaxada canaasiirta nabaddiidka, gaar ahaan Alshabaab
-In cid kasta oo isku dayda inay carqaladayso xasiloonida gobolka ay noola macno tahay inay Alshabaab la hadaftahay ama taageero u hayso
BAAQ:
Waxaan ra’iisul wasaaraha ugu baaqayaa inuu ka waantoobo hagardaamayn joogtada ee uu ku hayo shacabka Jubba State iyo nabad galiyadooda.
Waxaan sidoo kale, madaxda kale ee dawladda ee madaxweyne Xasan kow ka yahay ugu baaqayaa inuu ra’iisul wasaarihiisa gacmaha ka qabto hawlaha colaad hurinta ee uu ka wado deegaanada maamulka Jubba.
Waxaan Beesha caalamka, xafiiska qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya, urur goboleedka IGAD, AU, wadamada dariska iyo ciidamada nabad ilaalinta ugu baaqayaa inay il gooni ah ku eegaan taabo galka heshiiskii Addis Ababa, isla markaana laga shaqeeyo sidii cadaaladda loo hor keeni lahaa shaqsiyaadka jilaafaynaya ee ka shaqaynaya isku dirka iyo isku dilka dadka si ay fursad u siiyaan kooxaha nabaddiidka ee Alshabaab.
Cabdiraxmaan Xaaji Faarax (Ilka Case)
Madaxtooyada maamulka Jubba.

Ceegaag Online-kismaayo.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag