Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

WAR DEGDEG AH: Dhulboobkii Dhaabeebe oo dhaliyay Dhimasho iyo Dhaawac

Dagaal Qadhaah oo dhaliyay Dhimasho iyo Dhaawac ayaa hada kasoconaya Deegaanada Dhaabeebe oo u dhaw magaalada Ceerigaabo, Dagaalkan ayaa waxa uu u dhexeeyaa Beelaha Naaleeye Axmed(Khaatumo) iyo Habaryoonis(Somaliland). Dagaalka ayaa waxa uu ka dhashay kadib markii ay beesha Habaryoonis Khasabkaga dhisteen Baraago deegaanada Dhaabeebe taas oo maanta lagu kala kacay shir dhexdhexaadin ah oo la doonayay in lagu aaso Baraagahaa nabadana lawada adkaysto.

Sida Goobjooge noo xaqiijiyay Beesha Habaryoonis ayaa Duulaan ku soo qaaday Ciidamo Beesha Naaleeye Axmed oo Goobta ku sugnaa ka dib waxaa qarxay dagaal sababay Dhimasho iyo Dhaawac soo kala gaadhay Ciidamo Beeleedadaa Dagaalka ayaa soconayay ilaa intii gabalku ka dhacayay iyada oo jilbaha laysku aastay.  War hada naga soo gaadhay Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in ay u direen goobtaa Dagaalku ka dhacay ciidan ilaaliya nabada kalana dhex gala beelaha dirirtu dhexmartay.

Dhinaca kale mar aanu la xidhiidhnay Maamulka Khaatumo ee magaalada Ceerigaabo ayay noo sheegeen in beelaha deeganada Khaatumo isku gurmadeen iyaga oo noo xaqiijiyay ciidanka ay Somaliland u dirtay deegaankaa dirirtu ka taagan tahay balse ku eedeeyay  in Ciidamada Somaliland ay sitoos ah ugu biireen Maleeshiyo beeleedadii beeshooda Habaryoonis.

Gurmadka labada dhinac ayaa naloo xaqiijiyay iyada oo aan wali lakala Guran ragii saacado ka hor laysaga laayay Goobtaa. wixii warar ah ee arintan kasoo kordha ha ka dheeraan Ceegaag.

Ceegaag.com

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply