Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

War Cusub:Al-Shabaab oo deegaanada ay ka taliso ka mamnuucday Taleefanada casriga ee Smart Phones

Wararka laga helayo deegaanada al-Shabaab ay ka taliyaan ee Gobolada dalka ayaa sheegaya in laga mamnuucay Mobile-ka casriga ee waayahan si aad ah u batay isticmaalkiisa ee la yiraahdo Smart Phones.

Wararka ayaa sheegaya Mobile-lada nuucyada kala duwan ee ay soo saarto Shirkada Samsung ee la yiraahdo Galaxy iyo Mobile-ka kale ee Iphone ayaa laga mamnuucay deegaanada Shabaabka maamulaan.

Sababaha Mobile-ladan loo mamnuucay ayaa lagu tilmaamay inay yihiin kuwo wax lagu basaasi karo, isla markaana ay jiraan dad dhowr ah oo laga qaaday markii lagu arkay.

Qaar ka mid ah dadkii laga qaatay mobilka ayaa u sheegay warbaahinta in markii lagu arkay iyagoo wata lagala wareegay mobile-ka loona sheegay in aanay dib dambe u soo qaadan, isla markaana uu mamnuuc yahay.

Mobile-lada casriga ayaa leh GBRS oo ah aalad lagu ogaado qofka halka uu joogo iyo khariirad qofka u sahleysa inuu ku kala garto deegaanka uu ku sugan yahay iyo halka uu rabo.

Dadka ayaa u badan xilligan qaadashada mobile-lada Smart Phones ee casriga ah, waxaana ay dadka ku iibsadaan qiimo aad u sareeya, waxaa nuucyada dadka ay iibsadaan ka mid ah Glaxy S4, S3, S2, IPhone 4, Iphone 5 iyo kuwa kale oo u badan nuucyada Screen Tach-ka loo yaqaano.

Al-Shabaab ayaa horay deegaanadooda uga mamnuucay adeegyo kala duwan sida daawashada diishashka ama saxanka iyo kuwo kale.

C eegaag Online-kismaayo

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag