Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Waftigii uu Hogaaminayay Raysal wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sheekh oo gaadhay Fadhiga Boqortooyada Daarood ee Qardho

Waxaa maanta magaalada Qardho soo gaaray wefdi balaaran oo hogaaminayo Ra’iisal wasaaraha Somalia C/weli Shiikh iyo Madaxweynaha Dowladda Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas,wefdigaani ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweyne ku xigenka Puntland,Wasiiro ka tirsan Dolwadda Federaalka. Gudoomiye kuxigenka labaad ee Baarlamaanka Somalia,xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka,Wasiiro ka mid ah xukuumadda Puntland iyo wefdi aad u heersareeyo.

Wefdiga Ra’iisal Wasaaraha Somalia ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey goob 20 km u jirto magaalada Qardho waxaana soo dhaweynta wufuuda kala duwan ka qeybgalay Dhammaan qeybaha Bulshada Qardho sida Ardayda,Maamulka Degmada iyo Kan Gobolka Urururada Haweenka iyo Kooxdaa Hiddaha iyo Dhaqanka.

Wefdiga Ra’iisal Wasaaraha Markii ay soo gaareen magaalada Qardho waxaa ay
dadweynaha ku la hadleen Xarutna Dowladda Hoose ee Qardho… ”soo dhaweyntaan waxa ay nagu tahay Fariin Culsu waxa ayna fariin Culus u direysaa dhammaan Gobolaada dalka sida Qardho iyo Puntland ay ugu go’antahay Midnimada Somalia oo in Muddo ah laablaabgalay,Waxaa Muuqata Shucuurta aad muujineysaan ee ka soo bilaabatay Garoowe ilaa aan soo gaarnay Tuulooyinka iyo Magaalooyinka aanu soomarnay oo dhan fariin Gobolada Dalka Sidaasi u aqirista Somalia markale ay mid noqoto…sidaasi waxaa dadweynaha u sheegay Ra’iisal wasaaraha Somalia C/weli Shiikh Axmed.

Ra’iisal Wasaaraha waxa uu tilmaamay in Madaxweynaha Somalia Mudane Xasan Shiikh Maxamuud uu ka wado Salaan si gaar ah ugu socoto Shacabka ku nool magalada Qardho,waxa uuna hoosta ka xariiqay in ay gaarsiindoonaan madaxda dowladda warbixinada ay u soo gudbiyeen qeybaha kala duwan ee Bulshada Qardho.

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay soo dhaweynta loo sameeyey wefdiga balaaran oo isgu Jira Dowladda Federaalka iyo Madaxda Puntland ayaa sheegay….. ”Mudane Ra’iisal Wasaare Qardho waa Hoyga dhaqanka Somaliyeed iyo Dhaqanka Puntland,Waa Hoyga Tacliinta Puntland,Magaalo walbo waxbeey caan ku tahay,Qardho Saldhig dhaqan weeye iyo Hoygii Tacliinta Puntland,waad aragtay intii aan soosoconay wixii arday oo aan soo aragnay,waxa ay caan ku yihiin Soo dhaweynta madaxdooda,waxa ay caan ku yihiin Wadaninimo iyo Somali nimo waana tan ka muuqato
maanta”…Sidaasi waxaa Yiri C/weli Gaas Madaxweynaha Puntland.

Dhinaca kale wefdiga Ra’iisal Wasaaraha iyo Madaxweynaha Puntland waxaa Qado sharaf u sameeyey Boqor Burhaan Boqor Muuse oo si gaar ah ugu casuumay Ceel Mur oo ah meel aad u quruxbadan oo dhirta iyo Biyaha Xareeddo ay waranyihiin,waxana halkaasi ka hadlay Ra’iisal Wasaaraha Somalia
Madaxdweynaha Puntland iyo Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka hadlay Qado sharafta uu u sameeyey wefdiga
Ra’iisal Wasaaraha iyo Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay…..”Maanta waa maalin taariikhi ah Halkaan waxaa isugu Yimid Mas’uuliyiin iyo waxgaradbadan,waxa loo socoday Madmadowgii Dowladda Somalia iyo Puntland ka dhex jiray in la xaliyo Illaahay waxaan ka baryayaa si kheyr ah iyo si wanaagsan in uu ku dhamaado in Sha’allaah,Waxaa wax lagu farxo ah sida soo dhaweyta kalgacalka ee qadarinta ka muuqato oo dadka deegaanada Puntland ay ku soo dhaweeyeen  Ra’iisal Wasaaraha iyo kuxigeynka labaad ee Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo labada Gole ee Xukuumadda Federaalka Somalia,waxa ay marqati ka tahay sida umaadda somaliyeed ay isugu mid tahay oo dhamaantood ay u jecelyihiin hormarka waana soo dhaweyneynaa Wefdiga Ra’iisal wasaaraha…”Sidaa waxaa Yiri Boqor Burhaan Boqor Muuse

Soo dhaweynta maanta loogu sameeyey wefdiga Ra’iisal wasaarha Somalia  iyo Madaxweynaha Puntland ayaa ku soo aadaya xilli Ra’iisal wasaaraha oo booqasho ku joogo Puntland waxa uuna sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay sida wacan ee maanta Qarhdo loou soo dhaweyey.

Sawirada iyo Warbixinta waxaa naso gaarsiyay Wariye C/raxman Maxamed Cali (Black)


Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply