Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wafdigii Saaka Kismaayo Yimid Waxay Uyimaadeen Arinta Bare Hiiraale (warbixin)

Ceegaag Online  waxay xog hoose ku heshay in wafdigii saaka Kismaayo yimid aysan ka socon Qaramada Midoobay balse ay ahaayeen wafdi ka socday AMISOM.Wafdigan wuxuu ka koobnaayeen 5 xubnood oo AMISOM u qaabilsan arimaha siyaasada.

Ujeedada ay Kismaayo uyimaadeen waxay ahayd sidii ay ku qaadi lahaayeen Bare Hiiraale loona gayn lahaa magaalada Muqdisho.

Qaabkii ciidamdiisa hubka looga dhigi lahaa iyadoo ay iska kaashanayaan AMISOM,DFS iyo maamulka Juba.

Wafdigu waxay raaligelin ka bixiyeen sida ay ku yimaadeen loona celiyay iyadoo ay isfahan la’aan jirtay.

Wafdigu waxay sheegeen in isbuuc kadib ay soo laabanayaan iyagoo la imaan doona jawaab dhameystiran maamulka Jubaland dhinaciisana laga sugayo jawaab iyo qorshe ku aadan howshaas

Waa isku deygii labaad ee lagu doonayay in arinta Bare Hiiraale iyo ciidankiisa xal looga gaadho balse fashilmay.

Shacabka Jubooyinku waxay isweydiinayaan sababta keentay in saraakiisha AMISOM ay isugu mashquulinayaan arinta Bare Hiiraale iyadoo ay jiraan arimo kale oo ka muhiimsan oo u baahan in la xaliyo.

Ceegaag Online-Kismaayo

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag