Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wafdiga Jaamacadda Carabta oo daneenaya maalgashiga xeebata Liido

Guddoomiye ku-xigeenka siyaasadda ee gobolka Benaadir Maxamed Aadan Guuleed “Caano geel” oo hadal soo dhaweyn ah ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in Maamulka Gobolku ay farxad u tahay inay soo dhaweeyn u sameeyaan wafdiga ka socda Jaamacadda Carabta. Maamulka Gobolka Benaadir ayaa maanta qado sharaf u sameeyay wafdiga ka socda Jaaamacadda Carabta oo shalay Muqdisho soo gaaray, kaasi oo ku saabsan soo dhaweyn, iyadoo uu ka qeyb galay safiirka Jaamacadda Carabta u jooga Somaaliya.

Kulanka qadada ah ayaa la isku dhaafsaday aaraah kala duwan oo ku aadan sida ay Jaamacadda Carabta uga qeyb qaadan karto mashaariicda horumarineed ee ka socda Caasimadda. Faiz Mohamed Al-Mudeiri oo ah mas’uulka hogaaminaya wafdiga Jaamacadda Carabta ka socda, isla markaana ah safiirka Dowladda Kuwait u fadhiya Dalka Jabuuti ayaa maamulka Gobolka Benaadir uga mahadceliyay casuumadda ay u fidiyeen.

Mas’uuliyiinta Jaamacadda Carabta iyo maamulka Gobolka Benaadir ayaa socod ku soo maray xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, waxaana wafdiga ka socda Jaamacadda Carabta ay horu dhac u yihiin wafdi uu hogaaminayo R/waaare ku-xigeenka dowladda Kuwait oo maalmaha soo socda lagu wado in uu soo gaaro caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply